Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Sheegay In Uu Afar Maalmood Xabsi Guri Uu Amaray Madaxwayne Ku Xigeenku Ku Jiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Sheegay In Uu Afar Maalmood Xabsi Guri Uu Amaray Madaxwayne Ku Xigeenku Ku Jiro.
January 27, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS ;Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana ah ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylaci) ayaa amar ku bixiyay in xabsi guri lagu xidho abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo todobaadkii hore dabayaaqadiisii lagu xidhay guriga uu ka degan yahay xarunta miiska Saraakiisha Ciidanka qaranka.

Abaanduulaha ciidanka qaranka sareeye guuto Cabdillaahi Xaaji Jaamac oo aanu khadka Telefonka  kula  xidhiidhnay ayaa sheegay in muddo afar maalmood ah oo uu ku xidhnaa gurigiisa uu amarka xadhigiisu ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Hase yeeshee abaanduule Calas oo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo asbaabaha xidhigiisa keenay iyo sababta madaxweyne ku xigeenku u amray in gurigiisa ku xabisnaado ayaa isagoo ka hadlaya arrinkaasi waxa uu si kooban u yidhi “Muddo afar maalmood ah ayaan gurigayga ku xidhanahay”

Mar aanu waydiinay waxyaalaha ka jira amarka xadhigiisa inuu amray madaxweyne ku xigeenku waxa uu yidhi “Haa amarka madaxweyne ku xigeenka ayuu ka yimid, laakiinse wax intaa dhaafsiisan oo tafaasiil ah diyaar uma ihi inaan ka hadlo” ayuu yidhi Abaanduuluhu

WAJAALENEWS DESK.

COMMENTS
LINKS