|
|||||
WAJAALE NEWS
5 Qof Oo ku dhaawacmay 8 kalena Waa La Xidhay Rabshado Ka Dhacay Oodweyne Oo Lagaga Soo Horjeeday Qorshe Uu Watay Xirsi
January 2, 2014 - Written by Editor:Qaar ka Tirsan Dadka Degankaasi Oo Aanu Khadka Telephone Kula Xidhiidhnay Ayaa Nooga Waramey Sidey Wax U Dhaceen Waxaanay Yidhahdeen Sida tan Oodweyne(wajaalenew) Ugu Yaraan Shan Qof Ayaa Ku Dhaawacmay 8 Qofna Waa La Xidhxidhey Rabshado Ka Dhacay Degmadda Oodweyne Ee Gobolka Daadmadheedh. Dadka Dhaawacmey Ayaa La Sheegay Inay Dhaawacyadoodu Fudud Yihiin. Waxaana La Sheegay Inay Hada Gudaha Magaaladda Laga Maqlayo Dhawaaqa Rasaasta Ay Ridayaan Ciidamadda RRU Si Ay U Kala Dareeriyaan Dhalinyaradda Gadoodsan. Qaar ka Tirsan Dadka Degankaasi Oo Aanu Khadka Telephone Kula Xidhiidhnay Ayaa Nooga Waramey Sidey Wax U Dhaceen Waxaanay Yidhahdeen Sida tan
” Markii Ay Magaaladda Soo Gaadheen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Ka Kooban Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Xildhibaan Waabeeyo Iyo Guddidii Dhiska Waddada Oodweyne Ayaa Waxa Magaaladda Ku Soo Dhaweeyey Maamulka Gobolka Daadmadheedh ,Xildhibaanadda Golaha Deegaanka OodweynIyo Dadweyne Tiro Badan” “Intaa Ka Dib Waxaa Bilaabmey Kulan Gaar ah Oo Ay Yeesheen Guddidii Qaadhaan Uruurinta Wadada Oo Iyagu Uruuriyey Xoolo Badan Iyo Wasiir Xirsi Weftigii Uu Hogaaminayey Si Looga Wada Hadlo Hawlihii Wadada Halkay Marayaan Kulankii Oo Socda Ayaa Waxa kacay Wasiirka Madaxtoyada Xirsi waxaanu Yidhi Dhaqalaha Loo Ururiyay Wadada Oodweyne ha laygu soo Wareejiyo,ka dib Dadkii Goobta Joogay way ka Cadhodeen Hadalkaas, Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oodweyne Oo La Yidhaahdo Ibraahim Maxamed Nuur ayaa kacay waxaanu is yidhi hadal Waxaana Diidey In Uu Hadlo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali x xasan Waxaana Bilaabmey Buuq Iyo Sawaxan Gaadhey Meel Xun” “Ka Dibna Wasiir Xirsi Ayaa Amar Ku Bixiyey In La Xidho Xildhibaanka Taas Oo Keentay Kacdoonka Dhalinyaradda Iyo Mudaharaadka Lama Filaanka Ah. Inkastoo Aan Xildhibaanka La Xidhin Hadana Waxay ahayd Arrinta Ugu Weyn Ee Sababtay Iska Hor-imaadka Ciidanka Iyo Shacabka,Dhaqalaha ay Reer Oodweyne iska Ururiyeen wasiirku wuxuu doonayaa inuu ku daro dhaqaale ay dowladu u ururinayso wado ay ka wado Bariga Gobalka Saaxil marta,hadii Aanu Nahay Shacabka Reer Daad-Madheedh ma aqbalaynayo in Aanu Lacagtii Aanu iska Ururinayay ku Wareejino Xirsi,Wax Dhacaysa Maaha Xirsi Taas ha Ogaado” ayay Yidhaahdeen Qaar ka Tirsan Dadka Reer Oodweyne Si Kastaba Ha Ahaatee Xaaladda Ayaa Xiligan Degan Waxaana Socda Wada Hadal Mana Jiro Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay Dhanka Masuuliyiinta Gobolka Daadmadheedh. WAJAALENEWS.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|