|
|||||
WAJAALE NEWS
15-ka Qof ee Sannadkan 2013 ugu Hantida Badan, Ilaha Dhaqaaluhu ka soo Galo iyo Xaddiga Lacagaha ay Haystaan
January 7, 2014 - Written by editorHargeisa: (Wajaale–News) Liliane Bettencourt oo 91 waxay shirkadan L´Oreal oo soo saartay kiriimada iyo waxyaabaha kale ee haweenku isku qurxiyo ka dhaxashay aabbaheed sannadkii 1957, waxaanay ka dhigtay mid horumar ka samaysa daafaha dunida
Waa qormo kooban oo iftiiminaysa ilaha dhaqaale ee 15ka tujaar ee adduunka ugu horreeya, tacliintooda iyo noloshooda gaarka ah 9. Liliane Bettencourt
Liliane Bettencourt oo u dhalatay dalka Faransiiska waxa ay hanta ahaan haysataa $30 bilyan oo dollar, taasoo lagu ogaaday qiimayn wargeyska Forbes sameeyey bishii March sannadkii galbaday ee 2013, waxaanay dhaqaalahan ka soo galaan shirkad ay leeyahay oo la yidhaa L?Oreal iyo hanti ay aabbaheed ka dhaxashay, waana haweenay aan waqtigan say lahayn, balse nin hore u dhashay hal qof.
Liliane Bettencourt oo 91 waxay shirkadan L´Oreal oo soo saartay kiriimada iyo waxyaabaha kale ee haweenku isku qurxiyo ka dhaxashay aabbaheed sannadkii 1957, waxaanay ka dhigtay mid horumar ka samaysa daafaha dunida, waxaana waqtiyadii ugu dambaysay muran ka jiray siday u maamuli karto hantideedan, maadaama ay tahay haweenay waayeel ah.
10. Bernard Arnault Bernard Arnault oo u dhashay isla dalka Faransiiska waxa qofka 10aad ee haweenaydan ku xigga, waxaannu haysta hanta dhan $29 bilyan oo dollar, taasoo ka soo gashay shirkaddo uu guddoomiye iyo madax kaleba ka yahay oo la yidhaa LVMH Moet Honnessy Louis Vuitton.
Ninka oo 64 jir ah hantidiisu waxay inta badan ka soo gashay shirkadahaas, dhaxal iyo ganacsiyo kale oo uu iskii iskaga leeyahay, tacliin ahaana waa Bachelor of Arts/Science oo uu ka qaatay Jaamacadda Ecole Polytechnique de Paris, waxaannu leeyahay 5 carruur ah. Bernard Arnault oo markii hore kaalmaha u horreeyey ku jiray waxa uu sannadkii 2012 khasaaray lacag dhan $13 bilyan oo dollar, taasoo keentay inuu 6 lixaad hoos uga dhaco, kaalintan 10aad dib ugu daadago.. La soco
LASOCO QAYBAHA DANBE SI JOOGTO AH
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|