“Xukuumaddu Waxay Nagu Keliftay Inaanaan Ku Wergelin Mudaharaadadda Soo Socda”Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumaddu Waxay Nagu Keliftay Inaanaan Ku Wergelin Mudaharaadadda Soo Socda”Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
December 12, 2013 - Written by Wariye:

jamalHargeysa(Wajaale News):-Murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku eedeeyey xukuumadda madaxweyne  Axmed-Siilaanyo inay la timid hab-dhaqan ku cusub Somaliland, oo ay ka shabahdo dawladii Siyaad Barre, isla markaana waxay duudsiisay xuquuqdii aanu Xisbi ahaan (UCID) lahayn waxaanay isticmaalaysa Cashuurtii danyarta oo waxay cabudhinaysa Saxaafadii madaxa-banaanayd,

Murrashax Jamaal Cali

Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu ku saxeexan-yahay oo caawa  nuqul ka mid ahi soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa,waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:

“Markuu oomanaa

afwanaagsanihii

iska oohin jiray

Uurkale la yimid,

Albaabadda garaac,

Haddba oodo Jiidh,

aflagaado baddi,

Ummaddii u yeedh,

Laga daba abraar,

Ay(keyn)  buu la tegay? By : Abwaan Haybe Faarax

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen

Marka hore waxaan salaan sharaf leh u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland meel kastay jooggaan. Mudaharaadkii Dec 10keedu waa bilow wanaagsan waanu socon doonaa inshallah maadaama aan runtii dawladan la tusin mucaaradaddii adkeyd ee ay iyagu sameyn jireen muddo 3 sanadood iyo badh ka dib oo ay kursiga ku fadhiyaan. Haddaba anagoo raacayna xuquuqda gaarka ah ee uu Xisbi ahaan qaranku na siiyey waxaanu sameynay mudaharaad nabad ah oo aanu wargelinteedda u gudbinay Wasaaradda Arimaha Gudaha. Ka dib waa kuwii naga diiday iyagoo u qaatay codsi si badheedh ahna u jebiyey shuruucdii dalka, iyagoo Xisbiyaddii Qaranka ula dhaqmaya si ixtiraam daro ay ku jirto. Bal idinku ka warama hadday xukuumaddu si badheedh ah u jebinayso shuruucdii dalka ee  iyada kursiga ku ilaalinaayey?

Ka dib waxa nala soo xidhiidhay Wasiirka Arimaha Gudaha oo joogga dalka Ingiriiska, runtiina muujiyey masuuliyad iyo inuu ka werwersan yahay nabadgelyadda. Kadib codsigiisa dartii waxaanu go?aansanay oo isla garanay Wasiirka Arrimaha Gudaha  inaanu ka mudaharaadno uun barxadda xisbigu ku leeyahay magaaladda Hargeysa. Laakiin balantii iyo qawlkii wey jebiyeen. Dhibaataddu waxay ka dhacday ficilkii xukuumadda oo runtii ka yaabiyey shacabkii Somaliland. Kumaan kun oo ciidamo ah ayaa lagu daadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan Hargeysa, Berbera, Gabiley, Boorama iyo Burco. Berbera iyadu Bandoo ayaaba laga dhigay, halka caasimadda magaaladda Hargeysa iyada laga galay heegan balaadhan oo dadka lagu shaki gelinaayey halka qaarna looga hanjabaayey, kuwo kalena la laaluushaayey, qaarna la xidhay. Ficiladdii xukuumaddana waxaa ka mid ahaa sidatan;

1. Gudiyaddii xaafadaha oo loo hanjabay, lacago xad dhaafna lagu bixinaayey dhalinyaradda oo qaarkood lacag iyo qaad laysugu daraayey.

2. Basaskii soo qaadaayey taageerayaasha xisbiga UCID oo ay askartu ka dejinaysay oo ay cagojugleyn iyo aflagaadooyin lagu sameeynaayey.

3. Xaafaddahii oo lagu wareegaayey oo loo hanjabaayey dadkana loo sheegaayey in la dili doono hadday UCID u soo baxaan.

4. Ciidamadda booliiska oo si bilaa sharci ah u xidhay madaxda xisbiga ee goboladda oo dhan. Qaarkoodna askar baa la dhigay guriyahooddii.

5.  Sifo bilaa sharci ah oo Jabhadaysan maalintii mudaharaadku uu dhacay ee Salaasadda waxa xarunta xisbigga la wareegay ciidamadda Booliska aroornimaddii 7:00AM. Ciidankaasi waxaa hogaaminaayey Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ee Somaliland iyo Wasiiradda Waxbarasha ee Somaliland. Sida ay sheegeen markhaatiyaashii goob-joogga ahaa kuna qornayd jaraa?idka Waaheen. Halkaasi waxay sifo bilaa sharci ah uga xidheen Maxamed Cali Madoobe (Jiir) oo ah Xoghayaha dhalinyaradda iyo Isboortiga ee Xisbigga UCID, iyo Ismaaciil Ahmed Ismaaciil, Gudoomiyaha Abaabulka iyo Wacyi-gelinta ee gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga UCID.

6. Wasiiradda Waxbarashadda oo ku wareegaysay iskuuladda ka agdhow xarunta xisbiga ee UCID kuwo dawladu leedahay (Public) iyo kuwa gaarka loo leeyahayba (Private) .Waxaanay macalimiinta iyo maamulkaba u sheegaysay inaan ardayda nusasaace loo soo deynin oo aanay ka qayb gelin mudaharaadka UCID. Askarna qaar la hor dhigay. Halka laga hakiyey inay iskuulka ka soo baxaan xataa xilligii rawaxaadda oo uu weli mudaharaadkii socday. Sidani waa si ka fog dimuqraadiyadda iyo balan qaadkii beenta ahaa ee Kulmiye xukunka ku fuulay

Haddaba, maadaama ay xukuumaddani keentay hab dhaqano ku cusub Somaliland oo ay qaarkood shabahaan kuwii aynu ka soo dagaalanay ee Siyaad Barre iyadoo cashuurtii danyartana isticmaalaysa oo awoodii la siiyey ku cabudhinaysa saxaafadda iyo xisbiyadda Qaranka Siyaasad ahaan iyadiina ay habeen iyo maalin olole been ah ku jirto, oo maanta la maraayo heer xuquuqal iinsaankii uu meel halisa maraayo cabudhiska saxaafadda iyo Xisbiyadda qarankuna uu meel halisa maraayo, mar danbe u sheegi mayno goorta iyo goobta aanu mudaharaadyadda ka dhigayno.Maadaama ay xukuumaddu  halgan weyn ka gashay inay duudsido xuquuqdaydii aanu lahayn xisbi qaran ahaan oo la yidhi kama hadli kartaan Jaamacadaha, waxaadna u baahan tihiin visa aad dalka gudahiisa ku wareegtaan oo u muuqataa tii warqaddii dhaqdhaqaaqa ee xilligii Siyaad Barre, annaguna waxaan sii waddi doonaa mudaharaadyadda anagoon ogeysiin xukuumadda maadaama ay sameysay ficiladda kor ku xusan markii aanu ixtiraanay ee aanu ogeysiinay.

Wixii shalay xukuumadda la hagaagsanaa inay yidhaahdaan maanta waa been waxay cay ku tahay garaadka dadka, intii ay sameyn jireen uun baanu sameeynaynaa maadaama ay ku xad gubeen shuruucdii dalka lakiin mudaharaadkayagu mar walba waa mid nabad ah oo aan la mid aheyn kii Kulmiye.  Waxaananu u mahadnaqaynaa taageerayaashii iyo sufufiyiintii  usoo lugeeyay xarunta xisbiga ee maalintaasi muujiyey dareenkooda suurto geliyeyna in uu qabsoomo mudaharaadkani inkastoo dagaal adag nalala galay. Ilaahay wuxuu wato cidina ma joojin karto. Ilaahay baa mahad leh”.

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

COMMENTS
LINKS