Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Wajahayso Faro-Gelinta Qaawan Ee Puntland Ku Hayso Deegaamada Bariga Sanaag Iyo Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Wajahayso Faro-Gelinta Qaawan Ee Puntland Ku Hayso Deegaamada Bariga Sanaag Iyo Sool
December 13, 2013 - Written by Editor:

Axmed Xaaji Cali Cadami oo la waydiiyey maadaama uu muddo sheer xukuumadda ka mid ahaa Xubno kale oo deegaankaasi ay ka soo wada jeedaanna kula jiraan in ay iyagu gabeen deegaankooda oo aanay waxba u qaban

 

 CADAMI

Hargaysa(wajaalenews)Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal cusub oo ay doonayso inay ku waajahdo faro gelinta qaawan ee Maamulka Puntland ku hayaan deegaamada Bariga Sanaag iyo Sool, waxaanay Xukuumaddu sheegtay inay deegaamadaasi u qorshaysay mashaariic horumarineed oo  sannadkan soo socda laga fulin doono, ka dib markii ay deegaanka Badhan ee Bariga sanaag yimaadeen Siyaasiyiinta ku loolamaysa doorashada Puntland iyo Taleex oo  maamulkaasi dagaal dad badani ku dhinteen ka abuuray.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland  Mudane Axmed Xaaji

Cali Cadami, ayaa sheegay in Somaliland ay qorshaysay oo la dhamays tiray mashaariic horumarineed oo loogu talo galay deegaamadaasi, kuwaas oo wax lagaga qabanayo horumarinta iyo fidinta maamulka iyo mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo sannadkan 2014 ka la billaabi doono, waxaana markii  la isla eegay waxyaabaha dadka deegaamadaasi lagu kasban karo oo la isla qaatay inay tahay in wax loo qato oo indhohooda la soo jeediyo.

 

Axmed Xaaji Cali Cadami oo Xalay khadka Telefoonka ugu warraamay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda xukuumadda ee ku aaddan deegaamadaasi iyo Siyaasiyiinta Puntland ee soo galayey maalmihii u dambeeyey, waxaanuu sidoo kale ka hadlay difaaca dalka iyo heerka uu hadda taagan yahay, waxaanuu sheegay in uu maanta ugu wanaagsan yahay heerka uu taagan yahay iyo halka uu gaadhay ciidanka qaranku.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland  Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  ?Wixii  jira ee muuqdaa wax la dafiri karo maaha,  dadkana waxa uu indhihiisa ku arko ayaa u macalin ah, Siyaasiyiin  Mandaqadda (Deegaanka) maraya oo imanayaa way jiraan oo waa wax aan la  dafiraynayn,  Siyaasiyiinteena (Somaliland) iyo Siyaasiyiinta xagaas jooga (Puntland) midna raali kama aha loolanka halkaas ka socda, Doorashadiina waa tii ay diideen dadka deegaankaasi ee ay yidhaahedeen cidi nooma iman karto oo waxba kama dhicin, maanta  ta timid ee la kala xod xodanayo ee timid waa xubnihii kaga jiray Baarlamaanka Deegaanka Bariga sanaag,  taasina xasaasiyadeeda ayey leedahay oo taasna illaa Suldaanka guud ee Beesha warsangeli Suldaan Siciid Suldaan C/salaan iyaga ayaa garanaya cidda u wanaagsan oo muddo ayey siyaasadda ku soo jireen, hadda waxa la isku hayaa waa taas xubnaha Baarlamaanka, iyaga ayaana garanaya cidda u wanaagsan oo hadda anagu cid aanu fariin uga dirayno halkan oo aanu leenahay Hebalna raaca hebalna diida ma jiro, hadda kuwaas ayaa la kala jiidanayaa oo hadda qaar ayaa jooga, nin isagu Mandaqadda  (Deegaankaas) u dhashay  kala badhbaa la yahay  welina  ma dhicin  adna ma iman kartid anna waan iman karaan oo wax badan ayaa la xeerinayaa, xataa dadka deegaanka ayaaba ka hadlaya, dadka Siyaasiyiinta ah ee damucu meesha  keenay ma sheegayo oo  anigau taas ma sharciyeynayo?

 

Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlayey mashaariic gacanta lagu hayo oo deegaankaasi ay Somaliland u diyaarisay waxa uu yidhi ?Hadda waxaanu wadnaa  Mashruuc iyada ooh ore oo sameeyey, laakiin imika waxaanu wadnaa Mashruuc ah, Maamul  fidintii  Deegaankaasi in la xoojiyo oo la tayeeyo iyo Horumarkii Deegaanka ee la samayn lahaa oo ah in Mashaariic horumarin ah la billaabo oo la guda galo, maa daama oo hadda sannadkii gebo gebo yahay, waxa la sugayaa uun Wasiirkii Daakhiliga oo saraf shaqo ku maqan, isaga ayaana lagu wareejiyey maadaama uu hawshiis isagu ku shaqo leeyahay, waana la qorsheeyey oo waxa macquul ah ee sannadkan soo socda geli kara waa la isla aatay, markaa wixii wax qabad ah ee Deegaankii lagu geli karo, waayo  kaftan iyo huuhaa maalin ah shantii sanno iyo tobankii sanno waxba tari maysee, wax raasamaal deegaankii u noqda oo soo jiidasho dadkii u noqda ayaa muhiim ah in maal gelin lagu sameeyo?

 

Axmed Xaaji Cali Cadami oo la waydiiyey  maadaama uu muddo sheer xukuumadda ka mid ahaa Xubno kale oo deegaankaasi ay ka soo wada jeedaanna kula jiraan in ay iyagu gabeen deegaankooda oo aanay waxba u qaban, waxa uu ku jawaabay ?Cidda wax qabatay iyo cidda aan waxba qabanba taariikhda ayaa sheegi doonta anigu isa faanin mayo,  Maamulkuna hadda waxa uu joogay ee uu hawsha amba qaaday muddo yar weeyaan, wixii la qabtayna waa la ogyahay, wixii qorshaysanna way soo bixi doonaan, anigu (Wasiirka gaashaandhiga) ma lihi baahidii deegaankaas oo dhan waa la daboolay ama waa la dabooli karaa oo wax maalin ama laba lagu qaban karo ma aha,  laakiin waxaan leeyahay waa inaan mar walba faraha laga qaadine  waa in wax loo qoondeeyo oo marka  ay waxaasi halkaas ka muuqato oo wax midho dhal ah la keenaa, waayo af khalli ahi waxba ma keeno,  aniga iyo masuuliyiinta kale ee joogtaana iskaga ra?yi ayaanu nahay oo waxaanu qabnaa wax badan oo dhimani way jiraane oo habeen iyo maalin laguma qaban karee, waa in wixii la dhamayn karo la dhameeyo oo wixii mustaqbalka u soo socdaana waa inay wax qorshaysan oo wakhtiyeysan noqdaan?

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka jawaabayey sul?aal ahayd in maadaama uu difaacii dalka isagu uga masuul yahay, inay jirto jilicsanaan dhinaca difaaca Xuduudaha dalka ah oo la iska soo geliyo, waxa uu yidhi ?Anigu waxa aan aaminsanahay Ciidanka Difaaciisa kaas bariga Jooga Illaa Sagaal Boqol iyo Lix iyo toban nin oo deegaankaas u dhashay ayaa la tababaray, kuwaas oo ciidan beeleed ahaa maantana ciidan qaran ah oo jiidda hore jooga, iyada oo intii ugu dambaysay ee la tababaray ee Jiidda Laas-qoray oo meeshaas taariikhda leh ah iyo Badhan oo magaalo madaxdii ah ayaa  badhanna la keenay ciidankoodii kuwa kalena tababarka waa la geynayaa, markaa Ciidankii Ciidan beeleedka ahaan jiray waxa uu isku rogayaa ciidan qaran oo isagu goobta koowaad ee ugu khatarsan ka hawl gala ayuu noqonayaa, markaa tababarkiina  waa la wada mariyey oo badhan muddoba way ku jirtay ta kale ee soo socotaana waa Laas-qoray, waxaan kuu sheegayaa meesha uu Ciidanka Qaranka Somaliland maanta joogo weligii taariikhda muu gaadhin, ciddii xogogaal ah ayaana garanaysa, iska bood oo meesha rasaasi ka dhacdo difaaca Ciidan millateri  ha galo qorshe ayaa ka horraysa, Daraasad la sameeyo ayaa ka horraysay oo ay sameeyaan dadka khibradda u leh arrimaha Millateriga, aniga oo aan ta Derajadaba carabka ku dhufan waxaan leeyahay Ciidanku wuu tayeysan yahay, wax ku soo beegan iyo cadawga ku soo dhacana diyaar waxa uu u yahay inuu iska difaaco?

 

Axmed Caaji Cali Cadami oo la waydiiyey waxa ay tahay Siyaasadda Somaliland eek u aaddan Deegaamada Bariga Sanaag iyo Taleex, waxa uu ku jawaabay ?Intaba waxa ay tahay in gacan nabadeed loo fidiyo, horena waa loo fidiyey imikana in loo fidiyo oo la gaadhsiiyo nabadda, markaana nabadda lagala hadlo oo ay nabadduna noqoto mid u danaynaysa dhinac walba oo aan kala sarrayn lahay  oo u siman, markaana si dhab ah looga doodo, wax hadda jidka toosan qabsadayna way jiraan, kuwo kale oo jidka soo hayaana way jiraan, markaa in dadkuna sheegtaan tabashadooda oo Dawladdauna dhegaysato  dabadeedna wixii wax lagaga qaban karo ee dagaal baajin kara iyo doc ka faruur qarannimo in markaa la sameeyo weeyaan qorshaha xukuumaddu?

WAJAALENEWS

XIGASHO SAXANSAXO

 

COMMENTS
LINKS