Xukuumadda Somaliland Oo Ka Muquuratay Inay Ka Qeybgasho Munaasibad Lagu Daah-furayey Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta Ee GAARIYE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Muquuratay Inay Ka Qeybgasho Munaasibad Lagu Daah-furayey Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta Ee GAARIYE.
December 24, 2013 - Written by editor

Xukuumadda Somaliland ayaa ka muquuratay inay ka qeybgasho Munaasibad lagu daah-furayey Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE oo maanta si rasmi ah lagaga dhawaaqay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Hargeysa(Wajaale-News):-Xukuumadda Somaliland ayaa ka muquuratay inay ka qeybgasho Munaasibad lagu daah-furayey Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE oo maanta si rasmi ah lagaga dhawaaqay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xafaldii loo sameeyey daah-furta Akadamiyadan,ayaa waxa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga WADDANI Qaasim Sheekh, Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland Md.Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf,Xoghayaha guud ee

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax,Fanaanada Sahra Halgan,Abwaan Axmed Saleebaan Bide,Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo),Cabdikariin Axmed Mooge,Agaasimaha guud ee Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)iyo qaar ka mida Aasaasayaashii Akadamiyada, iyo mati- sharaf tirro baddan, waxaana xusid muddan inaanay xafladan ka  soo xaadirin Wasiiradii xukuumadda ka tirsanaa ee lagu soo mati-qaaday .

Akadamiyadan Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE ayaa noqoneysa Akadamiyadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagaga dhawaaqo Somaliland,taas oo ka shaqeyn doonta horumarinta Suugaanta iyo Afkeena hooyo, isla markaana sameyn doonta Cilmi-baadhis si qoto dheer loogu lafa-guro Suugaanta Soomaaliyeed, si aanay u lumin taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Akadamiyadani waxa kale oo ay qaban-doonta kobcinta aqoonta ee Afka iyo Suugaanta si dhalinyarada iyo jiilka soo korayaa u noqdaan kuwo aqoon buuxda u leh Suugaanta, Sidoo kale, waxyaabaha loo Aasaasay inay qabato Akadamiyadani waxa weeyaan Keydinta,Uruurinta iyo Ilaalinta Afka iyo Suugaanta,isla markaana waxay diwaangelin doonta Suugaanta iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,maadama ay xaruntani tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee lagaga dhawaaqo Somaliland meel ay dadka ajanebiga ah ee Afka Soomaaliga baranaya ama cilmi-baadhis ku sameynaya  ay ku soo hagaagaan .  

Agaasimaha guud ee Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in si rasmi ah maanta lagaga dhawaaqo Akadamiyadan Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay muddo soo socotay hirgelinta iyo daah-furka Akadamigani  ?Waa guul u soo hoyatay Suugaanleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan Somaliland meelkasta oo ay  joogaan,)

Abwaan Weedhsame waxa uu si qoto dheer halkaasi ugaga waramay u-jeeddooyinka Akadamiga, iyo sababta wakhtigan keentay in lagu dhawaaqo “Akadamiga horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE, waa hay´ad aan dawli ahayn, kana madax-banaan Siyaasad, waxaanay joogteyn doonta oo ay anba-qaadi doonta aragtiyihii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (GAARIYE), ILAAHAY u ha u naxariiste

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan gacanteyda ugu dhiibay kaadhka casuumadda (Invitation) xafladan daah-furka Akadamigan todoba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, halkana iigama muuqdaan ma Abwaan Gaariye ayey neceb yihiin, ama Boobe Yuusuf Ducaale iyo Faysal Cali Waraabe dartood ayey u iman-waayeen, sababtaas ma garanayno”.

Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo isna halkaasi ka hadlay ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey Akadamigan Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee GAARIYE,waxaanu sheegay in wakhtigan aad loo baahan-yahay Akadamigan

Md.Cabdilaahi-Darawal waxa uu wax laga naxo ku tilmaamay inaanay xukuumada Somaliland ka soo xaadirin xafladan, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxay ahayd Xafladan oo kale inay xukuumaddu kaalin muhiima ka qaadato,marka la eego Mujaahidka loogu magac-daray (GAARIYE) oo agteena qiimo-weyn ka leh, waxaanay ahayd in Wasaarada Waxbarashadu ay maanta halkan kaalinteeda ka qaadato,nasiib-darro ciddi kama joogto, Wasiiradii kale ee Xukuumaddana hadal-kooda daa oo iyaguna kamay soo xaadirin”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee Gaariye, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid cusub oo wax baddana ku soo kordhin doona guud ahaan bulshada, gaar ahaana bahda Af-ka iyo suugaanta.

Waxa kale, oo iyaguna halkaasi ka hadlay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale,Abwaan Axmed Saleebaan Bidde,Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo),Fanaanad Sahra Halgan, Cabdikariin Axmed Mooge,guddoomiye kuxigeenka Xisbiga WADDANI Qaasim Sheekh,Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde) waxaanay dhamaantood si isku mida u soo dhaweeyeen Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee Gaariye oo ay ku tilmaameen inay tahay wax ay bulshadu aad ugu baahnayd.isla markaana waxay bogaadiyeen dadkii ka soo shaqeeyey ee wakhtigooda u hurey iyo dadkii ku taageeray maskax, muruq iyo maal-ba. 

Isku soo wada-duubo waxay xaflada lagu daah-furayey Akadamiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta ee Gaariye ku soo gebogaboowday si jawi-wanaagsan oo ay aad u jecleysteen dadkii ka soo qeybagalay munaasibadaasi.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS