|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Heshiis Laga Gashay Shirkad Cusub Oo La Yidhaahdo ANSAN WIKFS Oo Shiidaalka Baadha
December 21, 2013 - Written by Wariye:Heshiiskaas dhinaca Xukuumadda Somaliland uu u saxeexay Wasiiirka Tamarta iyo Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, halka dhinaca shirka ANSAN WIKFS ay u saxeexeen Gudoomiyha Shirkadaasi Mr Shahad Cabdu Haak iyo ku xigeenkiisa Mr Hashiim Al Malaki.Hargeysa(Wajaale News)- Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah heshiis shidaal baadhis ah ula saxeexatay shirkad lagu magacaabo ANSAN WIKFS oo laga leeyahay dalka Yeman taas oo ka hawl gasha wadamo badan oo caalamka ah. Xafladan heshiikaas lagu saxeexayay oo lagu qabtay xarunta wasaarada tamarta iyo macdanta Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka tisan xukuumadda, Gudoomiyaha guddiga hoosaadka khayraadka ee Golaha Wakiilada, saraakiil ka tirsan wasaarada iyo maamulka sare ee shirkadaasi. Heshiiskaas dhinaca Xukuumadda Somaliland uu u saxeexay Wasiiirka Tamarta iyo Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, halka dhinaca shirka ANSAN WIKFS ay u saxeexeen Gudoomiyha Shirkadaasi Mr Shahad Cabdu Haak iyo ku xigeenkiisa Mr Hashiim Al Malaki. Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay aad u soo dhawayanayaan fursadan maal-gashi ee lagu baadhayo shiidaalka dalka, taas oo uu tilmaamay in ay aad ugu faraxasan yihiin isla markaana Golaha Wasiirrada Somaliland ay ansixiyeen heshiiskan maanta la soo gunaanday dhamaystirkiisa bishii August ee sanadkan. Wasiirku waxa uu intaas ku in shirkada ANSAN ay tahay shirkad caalami ah oo meelo badan oo adduunka ay ka shaqayso isalamarkaana ay ka hawl-gali doonto sedexda bog-cadood ee lamabaradoodu kala yihiin 19, 14 iyo qeyb ka mid bogcada lagu magacaabo Todoabaad kuwaas oo dhammaantoodu ku yaala gobalada barri ee Somaliland. Wasiirku waxa uu xafladaasi ka sheegay in shirkada ANSON WIKFS ay bixisay lacag dhan milyan iyo sideed boqol oo kun oo dolar oo ah lacagta loo yaqaan xaqalka qalinka, taas oo si toos ugu dhacaysa qasnada dawladda islamarkaana xukuumaddu u qoondaysay in lagu horumariyo deegaamada laga baadhayo shidaalka ee shirkadu ay ka hawl gali doonto. Gudoomiye ku xigeenka shirkada ANSAN WIKFS Mr Hashim Al Malaki oo ku hadlayay magaca shirkadda ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan heshiiska ay la saxeedeen Somaliland islamarkaana ay ku dedaalayaan sidii ay uga midho dhalinayaan mashruucaasi baadhista shidaalka ah isagoo tilmamay in ay addeegsan doonaan qalab casri ah. Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryayanta Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Gudoomiyha Guddi hoosaadka kheyraadka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo si wada jir ah uga hadlay heshiiskaasi ayaa tilmaamay in ay soo dhawaynayaan heshiiskaasi kaas oo ah fursad maal gashi oo dalka u soo hoyatay waxaanay intaa ku dareen in ay shacbiga Somaliland gaar kuwa dega gobolada bariga ee laga baadhi doono shidaalku in ay la shaqeeyaan hawl wadeenada shirkadda. Hargaysa Office Related posts:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliya Xasan Sheekh Iy... DAAWO;-Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Rasaasta Laga Daayo Magaalada Booram... Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo Qaab Cusub Ufulisay Ololihii Maanta Ee Nadiifinta Magaalada COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|