Xukuumadda oo xidh xidhay guddidii Booyadlayda maalintii sadexaad Mudaharaadaysa,iyo maayirka oo xagafgaliyay dayr ay ku xayraysnayeen booyaduhu; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda oo xidh xidhay guddidii Booyadlayda maalintii sadexaad Mudaharaadaysa,iyo maayirka oo xagafgaliyay dayr ay ku xayraysnayeen booyaduhu;
December 27, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Xukuumadda ayaa galabta xabsiga dhigtay lix Oday oo ah guddida Booyadlayda Hargeysa kuwaas oo maalintii Sadexaad booyadahooda galiyey mudaharaad Salmi ah, hase yeeshee xukuumaddu galabta u adeegsatay RRU iyo SPU ay ku qasabto.

Af-hayeen u hadlay booyadlayda oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Wajaalenews u xaqiijiyey in ay Taliyaha Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan iyo Maayarka caasimadu xidheen Lix oday oo guddidii Booyadlayda ah oo ay ugu yeedhaan in ay wada xaajood ka galaan xaalada ka dhex taagan Booyadlayda iyo Xukuumadda.

Af-hayeenka Booyadlaydu waxa uu  u sheegay in galabta illaa caawa ay Ciidamadda ku gedaamay Booyadahoodu qabteen afar dirawal isla markaana ay qori caaradi ku khasbeen oo ay booyadahoodii ka saareen Dayrkii ay ku xaraysnaayeen markii ay caga cagaf galiyeen.

Af-hayeenku waxa uu sheegay afartii booyadood iyo laba ay Ciidamaddu leeyihiin in ay caawa kaga dhaaminayaan kaalinta biyaha eek u taala Wakaaladda Biyaha Hargeysa isla markaana ay doonayaan in ay biyo dhaan ku galaan isagoo sheegay in ay shan boqol oo booyadood oo daafaha iyo gudaha magaalada ka dhaamin jiray diidan yihiin in ay bulshada ku kiciyaan biyaha, isla markaana ay wali xukuumadda ka sugayaan xal ay kaga joojiso cashuuraha is-biirsaday ee ay ka shaqaysan kari la’yihiin.

DHanka kale maayirka caasimada cabdiraxmaan (soltelco) ayaa galabta xagaf galiyay dayr ayku xaraysnaayeen booyadaha mudaharaadka samaynayay wuxuuna halkaa dhinac kudumiyay dayrkii shan booyadoodna qasab ayuu ku kaxaystay.

Wakaaladda Biyaha Hargaysa ayaa biyo siiso xaafado kooban oo Hargeysa ah halka sadex meelood laba meelood ay Booyaduhu waraabiyaan, kuwaas oo haddii aan caawa maaro loo helin berri haraad loogu bakhtiyo doono.

Dadweynaha aan biyaha Dawladda helin ayaa foostadii biyaha ah ku iibsan jiray laba Dollar, halka kuwa qasabadaha ka cabaa labada Dollar kaga iibsadaan wakaaladda toban foosto.

Wakaaladda Biyaha hargeysa ayaa sida uu Maareeyaha Biyuhu ku dooday maalintii Dadweynaha siisa toban kun oo mitir kuyuubik, halka uu ka sheegay in booyaduhu afar kun oo mitir kuyuubik Hargeysa siiyaan, hase yeeshee  oo u kuur gashay biyaha Booyaduhu keenaa hargeysa ayay dadweyne kala duwani u sheegeen in ay ka  badan yihiin toban kun oo mitir kuyuubik, iyagoo qiimeeyey Booyadaha dadweynaha u dhaamiya iyo kuwa ay ganacsatada iyo meheraduhu iskood u leeyihiin marka la isku daro in ay culayska ugu badan Xukuumadda ka dul-qaadeen.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somliland illaa hadda may muujin dabacsanaan ay ku furdaamiso mushkiladda dagaalka Biyaha ee ay sida qaldan u waajahayso.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS