Xukuumadda Madxweyne Axmed Siilaanyo Oo Ka Aaamustay Ka Hadalka Iyo Samata-bixinta Muwaadiniita Tirada Badan Ee U Dhashay Somaliland Ee Ku Xaniban Gudaha Dalka Koonfurta Sudan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Madxweyne Axmed Siilaanyo Oo Ka Aaamustay Ka Hadalka Iyo Samata-bixinta Muwaadiniita Tirada Badan Ee U Dhashay Somaliland Ee Ku Xaniban Gudaha Dalka Koonfurta Sudan
December 26, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa-(Wajaale News)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si rasmi ah uga aamustay ka hadasho iyo samata bixinta muwaadiniinta tirada badan ee u dhashay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku xanniban gudaha dalka Koonfurta Sudan ee dagaaladdu ka socdaan xilli ay madaxdda dawladdaha caalamku ay ku dhawaaqeen in ay muwaadiniintooda ka soo daad guraynayaan dalka South Sudan.

Muwaadiniinta Somaliland ee ku xanniban gudaha magaalooyinka kala duwan ee ku yaala wadanka South Sudan oo ah ganacsato tiradooddu ay Boqolaal gaadhayso oo hanti aad u badan ku lahaa dalkaa oo qaar ka mid ah goor dhawayd khadka Telefoonka kulugu waramayay Xafiiska Wararka ee wajaalenews.com  ayay ku sheegay in ay aad ugu xun yihiin dayaca ay xukuumadda Somaliland

ay kaga baaqsatay in ay ka ka hadasho samata-bixintooda, waxaanay tibaaxeen in ay ceeb ku tahay xukuumadda Axmed Siilaanyo in ay iska ilowado muwaadiniita Somaliland ee ku xayiran dalkaa, waxaanay sheegeen in dhammaan madaxdda dawladaha caalamka ee ay muwaadiniintoodu ka joogeen gudaha dalka Sudan ay ku dhaqaaqeen in ay muwaadiniintooda dalkaa ka soo daad gureeyaan .

Waxa kale oo ay muwaadiniinta Somaliland ee ku xayiran gudaha dalka Sudan ay sheegeen in ay aad ula yaaban yihiin sababta ay uga aamustay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo in ay gacan badbaado ah u fidiso muwaadiniinta Somaliland xilli ay xitaa Xukuumadda Somaliya ay ku dhawaaqday soo daad guraynta muwadaadiniintooda ka jooga South Sudan.

Muwaadiniinta Somalilander-ka ah ee ka ganacsiyadda kala duwan ku lahaa dalka Koonfurta Sudan ayaa waxa kale oo ay ku doodeen iska daa samata-bixin iyo ay Xukuumadda Somaliland u fidisee aanay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland aanay sheegi karin tirada muwaadiniinteeda ka jooga Koonfurta Sudan, waxaanay hoosta ka xariiqeen xukuumaadda Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Khaarijaga oo aad loogu hanweynaa ay gebi ahaanba lumiyeen kalsoonidii ay ka haysteen muwaadiinta Somaliland ee ku nool dibadahu.

Si kastaba ha ahaatee, fadeexaddan ay xukuumadda Somaliland ku dayacday ka hadalka iyo samo-ta-bixinta muwaadiniinta Somaliland ayaa noqon doonta buro ceebeed ku taala wejiga xukuumadda Somaliland oo ay u horayso Wasaarada Khaarajiga Somaliland iyo Wasiirka cusub ee Khaarijiga oo si aad ah loogu han weynaa in uu wax weyn ka badali doono hannaankii fadhiidka ahaa ee ay ku shqayn jirtay Wasaaradaasi ka hor intii aan xilka loo magacaabin, Iyada oo xukuumadda Somaliland ay hore si sabab la?aan ah u lumisay kaalintii dublamaasiyadeed ee uga bannaanna dalka South Sudan oo munaasibadii xoriyada dalkaa si rasmi ah loogu martiqaaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
FIIRO GAAR AH- LA SOCO WARAYSIYO AANU LA YEELANAY MUWAADINIINTA SOMALILAND EE KU XANNIBAN GUDAHA DALKA SOUTH SUDAN.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS