|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Xaska Dabada ka Galisey In ay Ka Jawaabto Gaalaa Baxa Puntland ee Gobolada Bariga Somaliland iyo Dadweynaha oo ay kusii mudan tahey Isbaaradii Jamaal Loogu Dhigtey Gabiley
December 15, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyaha u yahey Axmed Maxamed Maxamuud,(siilaanyo) ayaa afka ka xidhatey indhwaale dhoolatuska puntland ku hayso Gobolada Bariga Somaliland gaar ahaana Degmooyinka Badhan oo xudun u ahaa ayidaada Maamulka Somaliland taas, oo uu maalmihii u dambeeyay kaambeyno dhinaca ololaha ka socda Maamul Goboleedka Puntland kusoo gaadhey Raysalwasaarihii hore ee Koonfurta SAoomaaliya Cabdiwali Cali Gaas oo xiligan murashax ka ah Maamulka Goboleedka Puntland.
Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay siyaabo kala duwan u faaqidey dabacsanaanta iyo xaska ay dabada ka galisey Xukuumadani in ay jawaab ka bixiso xadgudubyada kaga imanaya Maamul Goboleedka Puntland ee ka ololeysanaya Degmooyinka sida rasmiga ah u ayidsanaa Maamulka Somaliland ee Gobolada Bariga sida Degmada Badhan, iyo inta ugu badan is barbar dhig lagu sameynayo marka aad usii dhugato goobaha ay dadweynuhu ku kulmaan ee inta badan lagu faaleeyo Siyaasada Madexweyne Siilaanyo ee hogaaminta talada dalka sidii laga filayay iyo sida ay isu rogtey eek u mashquulka Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo wali tudhaale badan u sameeya Xukuumada islamarkaana, aan gaadhin halkii uu gaadhsiisnaa Xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaridka ahaa, waxaad arkeysaa dadweynaha oo aad isu barbar dhigaya talaabadii Murashaxa Jagada Madexweynaha ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen lagula dhaqmey kadib markii uu u socdaaley isaga iyo wafti uu hogaaminayaa Magaalada Gabiley halkaas oo isbaaro loogu dhigtey Kaantaroolka Caabudla, iyo sida indhaha looga roganayo dhaqdhaqaaqyada olole ee Maamul Gobleedka Puntland ugu soo faragalinayo Magaalooyinka Somaliland eek u jira gudaha dalka. Sikastaba ha ahaatee talaabadan ayaa noqoneysa mid muujineysa sida ay Xukuumada Madexweyne Siilaanyo uga cagjiideyso muujinta qaranimada Somaliland iyo Sugida xuduudaheeda, iyo ka duulista ajandayaasha iyo qorshayaasha aragtida fog ee astaanta u ah muujinta jiritaanka Somaliland taas, oo aanay marnaba muuqanin inaan doctuurka koonfurta Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland aan talaabadeeda laga dareemin Xukuumada xiligan, taas oo maalmihii u dambeeyay Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo Waxgaradka Somaliland siweyn u hadal hayeen gaalaa baxa Cabdiwali Cali Gaas iyo ka horjoogsigii Jamaal Cali Xuseen ee Gabiley, waxaana dhinaca Xukuumada ku nkaliyeystey hadalada loogu jawaabayo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Guulwadayaashii hore iyo Guulwadayaasha dambe.Xukuumada Oo Xaska Dabada ka Galisey In ay Ka Jawaabto Gaalaa Baxa Puntland ee Gobolada Bariga Somaliland iyo Dadweynaha oo ay kusii mudan tahey Isbaaradii Jamaal Loogu Dhigtey Gabiley
Hargaysa Office
|
LINKS
|
||||
|