Xukuumada Oo Xadhig Kula Kacday Weriyayaal Mudaharaad Salmi Ah Ka Samaynayey Cabasho Ay Qabaan Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Xadhig Kula Kacday Weriyayaal Mudaharaad Salmi Ah Ka Samaynayey Cabasho Ay Qabaan Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal
December 3, 2013 - Written by Editor:

 Tuesday, December 03, 2013
Hargeysa(Wajaale-News ):-xukuumada somaliland ayaa saaka xabsig dhigtay afar wariye oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.

Hargeysa(Wajaale-News):-xukuumada somaliland ayaa saaka xabsig dhigtay afar wariye oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.

Xadhiga wariyayaashan ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay ka qayb galeen mudaharaad salmi ah oo ay dhigayeen masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee Hubaal kuwaas oo cabasho xoogan ka qaba sida loo qaaday kiis la xidhiidhay weerar lagu soo qaaday goor habeenimo ah.

 


cellPadding=0 width=100 align=center border=1> Mudaharaadkan salmiga ah oo ay hor kacayeen masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA isla markaana ay ka qayb galeen Xubno suxufiyiin ah, gudoomiyihii hore ee xuquuqal iinsaanka somaliland iyo weriyayaal ka ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland kuwaas oo saaka ku waa bariistay agagaarka aqalka madaxtooyada somaliland.

 

mar  uu dhamaaday Mudaharaadkaasi ayaa ciidamo ay kala hogaaminayaan Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha SPU-da ayaa waxa ay qab-qabteen koox wariyeyaal ah oo markaa gacanta ku haysay Boodhadh ay ku xardhan yihiin hal ku dhegyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin weerarkii lagu  lagu qaaday xarunta Hubaal.

Mudaharaadka salmiga ah ayey xukuumada kaga jawaabtay  xadhig ay kula kacday qaar ka mid ah weriyayaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdicasiis Bashiir Nuur oo ah ka hawl gala mid ka mid ah mareegaha madaxa banaaan,  Xasan Maal Dhidar oo ka hawl gala telefishanka Universal, madaxa wararka telefishanka Bulsho Tv Siciid Khadar iyo Cabdisalaan oo isaguna ka tirsan isla telefishanka Bulsho Tv.

Ka hor inta aanu mudaharaadkani bilaabmin ayaa xoghaya ururka Solja Maxame Rashiid oo ka hadlay waxa uu sheegay in xukuumada looga fadhiyo inay cadaalada hor keento cidii ka  danbaysay falkii goor habeenimo ah lagu weeraray wargeyska Hubaal, isaga oo u soo jeediyey xukuumada inay dib jeelka ugu soo celiso mid ka mid ah eedaysanayaasha kiiskan oo la sheegay in la sii daayey.

 

 

 

Wajaale News Desk

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS