Xukuumada Oo Soo Dhawaysay Masuuliyiintii Debad Wareega Ahaa Ee Awdal State, Madaxweynihii Maamulkaas Oo Ka Hadlay Iyo Wasiirka Shaqada Oo Dhiniciisa Soo Dhaweeyey Talaabadan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Soo Dhawaysay Masuuliyiintii Debad Wareega Ahaa Ee Awdal State, Madaxweynihii Maamulkaas Oo Ka Hadlay Iyo Wasiirka Shaqada Oo Dhiniciisa Soo Dhaweeyey Talaabadan.
December 12, 2013 - Written by Wariye:

rashid aw nuurHargeysa(Wajaale News):-xukuumada Somaliland ayaa  garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhawaysay hor joogihii kooxda Awdal State Rashiid Aw Nuur Xirs  oo si weyn uga soo hor jeeday qadiyada Somaliland  oo maanta dalka soo gaadhay.

Hogaamiyihii Awdal State oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay ka noqdeen guud ahaan fikirkii ay aaminsanaayeen ee Somali weyn, waxaanu tilmaamay inay taasna keentay wada hadal dhex maray xukuumada Somaliland waxaanu yidhi “Halkan maanta waxaan ka cadaynayaa in mawqifkii Somali Weyn aanu ka noqonay,laga bilaabo maantana waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qayb qaadano oo aanu dhiiri gelino midnimada umadayada ka dib markii ay wada hadalo hor leh u bilaabmeen maamulka Awdal State iyo xukuumada Somaliland kaas oo wajigiisa koowaad uu ka dhacay magaalada Dubai,gaba gabadiina uu wajigiisa hore ku dhamaaday  is af garad kaas oo dhaliyey inaanu maanta dalka nimaadno.? Ayuu yidhhi Rashiid Aw Nuur Xirsi

Sidoo kale wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Bare Garaad oo ka mid ahaa xunbo ka tirsan xukuumada Somaliland oo  garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey xubnahan Awdal State  ayaa dhinaciisa sheegay inuu soo dhawaynayo xubnahan waxaanu yidhi waxaanu halkan ku soo dhawaynaynaa wafti ka socda Awdal State oo uu hogaaminayo madaxweynihii maamulkaas oo ku soo gurya noqday gurigiisii rasmiga ahaa ee Somaliland isaga iyo xubnihiisa kalaba.

 

Hargaysa Office
Caalam News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

COMMENTS
LINKS