|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Shirkada Alxarbi Ku Wareejisay Dhismaha Boostadii Hore Ee Hargeysa Iyo Gandi Library Oo Dhinaca Koonfureed Kaga Beegan Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa
December 21, 2013 - Written by Wariye:
Maktabada Gaandi ayaa la sheegay in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ku wareejisay shirkadda Ilma Faarax Xarbi ee Al-Xarbi iyadoo dawladii marxuum Cigaal ay ogolaansho u siisay wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Yuusuf Ismaaciil Samater (Gandi) oo ka mid ahaa macalimiintii halganka dheer u gashay waxbarashada Somaliland, kaas oo horaantii 60-kiina wasiir ka noqday xukuumadii Soomaaliya ee wakhtigaasi. Sidoo kale dukaankii caanka ahaa ee Baani-yaalkii Karasandaas oo labadaas dhisme ee Gandi Library iyo Boosta dhinaca koonfureed kaga taala masaafad 100 talaabo ka yar ayey mulkiilayaasha shirkadda Al-xarbi oo ku andacoonaya in Canada lagaga iibiyey dhismahaasi ay imika isku haystaan, maxkamaddana iskula jiraan mujaahid Faroole oo ka tirsan qoyska Faarax Baani-yaal oo mudo 80 sano ku dhaw wakiil u ahaa ganacsadihii Karasandaas. Si aanu xogo dheeraad ah uga helno arimahan ayaanu isku daynay inaanu wax ka waydiino dhinacyada ay arrintani khusayso gaar ahaan shirkadda Al-Xarbi iyo wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta ee Somaliland ayaanay noo suurta galin inaanu helno, balse sida ay ilo wareedo lagu kalsoon yahay Haatuf u sheegeen xukuumadda ayaa si rasmi ah u siisey shirkadda Al-xarbi dhismayaashaas oo ay dawladda ugu badashay dhul ku dhaw Maxkamadaha oo hore loogu ogolaaday inay shirkadu masaajid aanay wali dhisin ka yagleesho. Hargaysa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|