Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Soo Jeediyey In Loo Dagaalamo Xoriyatul Qawlka Dalka, Kana Hadlay Weriyayaal Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Soo Jeediyey In Loo Dagaalamo Xoriyatul Qawlka Dalka, Kana Hadlay Weriyayaal Xidhan.
December 3, 2013 - Written by editor

 

Hargeysa(Wajaale-News):-xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa si kulul u canbaareyey xadhig lagula kacay weriyayaal ka tirsan warbaahinta madaxa banaan kuwaas oo manta ciidamada Police-ku xabsiga u taxaabeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(Wajaale-News):-xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa si kulul u canbaareyey xadhig lagula kacay weriyayaal ka tirsan warbaahinta madaxa banaan kuwaas oo manta ciidamada Police-ku xabsiga u taxaabeen.

Weriyayaashan ayaa ka mudaharadaayey sarkaal  hogaaminayey weerar hubaysan oo lagu qaaday wargeyska madaxa banaan ee Hubaal kaas oo lagu qaaday mudo haatan laga joogo sideed bilood kaas oo ay xukuumada Somaliland xabsiga ka sii daysay.

Xoghahaya ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u canbaareyey xadhiga lagula kacay weriyayaashan, waxaanu soo jeediyey in dagaal loo galo sidii loo difaaci lahaa xoriyatul qawlka Somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ?waxa ayaan darro ah in markii aanu dhamaynay mudaharaadkii ee aanu soo dhaqaaqnay ayaa waxa wasaarada beeraha horteeda lagu xidhay afar weriye  kuwaas oo dhamaantood ka tirsanaa warbaahinta madaxa banaan ee dalka, waxaanan dawlada Somaliland ka codsanaynaa in si deg deg ah loo sii daayo weriyayaashan iyo kamaradahooda xidhan, waxaanan leeyahay xoriyatul qawlka ha loo dagaalamo.? Ayuu yidhi xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Xukuumada Somaliland ee hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tan iyo markii ay xilka qabatay waxa caado u noqotay xadhiga lagula kaco weriyayaasha ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland kuwaas oo  bartilmaameed u noqday xukuumada.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS