Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Ucid Yuusuf Budle Oo Fariin Toosa Udiray Dadwaynaha Reer Gabilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Ucid Yuusuf Budle Oo Fariin Toosa Udiray Dadwaynaha Reer Gabilay
December 5, 2013 - Written by Wariye:

yuusuf budleHargaysa(Wajaale News):-Shalay waxa la idin yidhi “Gobol ma tihidin”, maantana waxa la idin yidhi “Uma qalantaan in aad wax doorataan oo caqligiinu idinkuma filna” Damiirkii reer Gebiley xagguu maray?

Waxa nasiib darro ah in maalinba maalinta ka danbaysa caqliga lagaga sii kaadsho dadka reer Gebilay, iyaga oo lagu samaynayo wax aan dad damiir lihi qaadan Karin. Arrinka maanta ka dhacay kantaroolka Caabudla ma aha oo keliya mid ceeb ku ah qaranimada iyo geedi-socodkii dimuqraadiyadda ee Somaliland ee waa mid si gaar ah u

taabanaya, ceebna ku ah dadka reer Gabiley. Qofka haddii uu garaadkiisu dhan yahay looma diido in uu xor u ahaado in uu kala doorto kooxo, ururo, shaqsiyaad iyo/ama xisbiyo dhamaantood sheeganaya in ay dantiisa wadaan. Waxase cad oo marag ma doon ah in maamulka Madaxweyne Siilaanyo maanta cadaystay in ” Caqliga iyo Maskaxda dadka reer Gebilay aanay dhamays ahayn, geyinna in ay kala doortaan ciddii dantooda wada”.

Aniga oo ku hadlaya Magaca Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, kan reer Gebilay iyo kayga shaqsi ahaaneedba, waxa aan halkan uga cadaynayaa madaxda maamulka Madaxweyne Siilaanyo in aanay marnaba dhicidoonin in ay yeelaan shicibka Somaliland gaar ahaan dadweynaha reer Gebilay in ay qaataan wixii ay ka diideen Maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Marnaba ma dhici karto in dadweynaha reer Gebilay loola dhaqmo sidii oo aanay waxba garanayn, caqligooduna dhamayn.

Ardaydii Jaamacadaha ee Somaliland waxa ay qalin jabiyeen muddo haatan laga joogo afar bilood, laakiin nasiib darro ardayda Jaamacadda Gebilay way u qalmi waayeen in uu Madaxweynuhu kusoo gaadho socdaal 40 daqiiqadood ah waana tan keentay in ay qalin jabiyaan todobaadkii dhawaa.

Dhawaan ayay ahayd maalintii mid ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo idiinku yimid Gebilay ee uu afka buuxa idiinku yidhi: Anaku idiinma aqoonsanin in aad tihiin Gobol”. Iska daa abaal la gudo?e, waxaba la idinkala noqday naruuraddii yarayd ee uu idiinka tegay Maamulkii kan ka horeeyay.

Waxa aynu ka war qabnaa sidda aad uga qatan tihiin maamulka iyo awood qaybsiga xukuumada, marka laga reebo afar magac la wadaaga dadweynaha reer Gebilay, awoodooduse ku eg tahay in la kaxayso maalinta kaambeynka iyo maalinta odayaasha reer Gebilay lasoo xidhxidhayo.

Xaggee ka dheceen haldoorkii reer Gebiley ee weliba kula soo tabcay ku fadhiisiga kursiga uu maanta ku doobinayo Madaxweyne Siilaanyo: General Nuux Taani, General Jidhif, Boobe Yusuf Ducaale iyo kuwoo kaloo badan.

Anaku run ahaan waxaanu aaminsanahay in dhacdadan maanta dhacday aanay ahayn oo keliya mid lagu wax yeelaynayo jiritaanka iyo horumarka nidaamka dimuqraadiga ah ee isa soo kabayay mudada 22ka sanno ah ee ay run ahaantii ceebta ugu weyn iyo xoriyad kala dagaalanka iyo weliba YASIDDA ugu weyni ku dhacday dadweynaha reer Gebilay. Waxa hubaal ah in Musharax Jamaal Cali Xuseen uu berri soo booqan karo magaalo kasta oo ka mid ah Somaliland, sida Burco, Berbera, Boorama, iwm…..Ciddina ka hor joogsan doonin, ciddina ka horjoogsan karin waayo xuquuqda doorashada soo dhawaynta iyo weliba diidida soo dhawaynta waxa leh oo keliya dadweynaha deegaanka loo tegayo. Awoodaas iyo xuquuqdaas cid kale oo leh ma jirto, waana taas tan ay maanta Gebiley lumisay.

Waxa aan kula talinayaa dhamaanba odayaasha, madax-dhaqameedka, culimo awdiinka, aqoonyahanka iyo dhamaanba shicibka reer Gebilay in ay ka dhiidhiyaan arrintan quudhsiga ah ee sida badheedhka ah loogula kacay.

 

Guul iyo Gobonimo

Yusuf Budle

Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee UCID

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS