|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaraadka Ah Ee Ucid Oo Maanta Banaanbax Balaadhan Kasameeyey Magaalada Hargaysa Iyo Weedhihii Laga Yidhi Madasha.
December 10, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa maanta isku soo bax balaadhan ka sameeyey xarunta guud ee Xisbiga Ucid uu Kuleeyahay Magaalada hargaysa.xisbiga mucaaradku ka sameeyeen xarunta xisbiga ucid ayaa waxa barxada hore ee xarunta xisbiga soo buux dhaafiyey tageerayaasha aad ubadan kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ku dalbanayeen in xukuumada kulmiye ay tacida ka dayso xisbiyada mucaaradka ah iyo saxaafada madaxbanaan. Xisbiga mucaaradka ah ee ucid ayaa banaan-baxan ay ku dalbanayeen ee xukuumada tacadiga iyo hagar-daamada ka dayso ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xil maanta laga xusya aduunka maalinta Xuquuqul Insaanka. Guddoomiyaha sadddexaad ee xisbiga ucid ayaa wasiir ku xigeenka amniga ku edeeyey inuu ka danbeeyey shirqoolkii la islahaa ku dila xildhibaan qabiile iyo wargayskii Hubaal waxaana uu yidhi:-wasiir ku xigeenka amniga ayaa ka danbeeyey shir`qoolkii la islahaa ku dila xildhibaan qabiile,waad ogtiin waxii ku dhacay wargayskii hubaal oo aad ogtiin in laga soo abaabulay qasriga madaxtooyada iyo guriga madaxwayne siilaanyo kuwaas oo wadankii ku haysta carjuuqdhe waxaana loo baahanyahay in dalka sidii siyaad bare looga xoreeyey dalka in xukuumada siilaanyana looga xoreeyo ayaa ladoonayaa dantuna haday nagu qasabto diyaar Ayaan u ahay inaan marlabaad dalka ka xoreeyo silaanyo. Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Somaliland iyo qaar ka mida dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa ayaa Xukumadda Madaxweyne Silaanyo ku eedeeyay inay Cabudhin iyo cago juglayn ku hayso Warbaahinta Madaxa Banaan. Warbaahinta Madaxa banaan ayaa walaac ka muujisay Fal horaantii sanadkan lagu weeraray Xarunta Wargeyska Hubaal oo ay kula kaceen Xubno Ciidanka Booliska ka tirsan. Mid kamida laba Nin oo Xaruntaasi weeraray ayaa Xukumaddu sii daysay iyadoo aan wax sharci ah la hor keenin islamarkaana aan la soo qaban Ninka kale ee falkaasi kula jiray. Mucaaradka ayaa Madaxtooyada ku Eedeeyay Falkaasi.Wajaale NewsHargaysa OfficeInfo:wajalenews@gmail.comReporter:Abdiqadir Abdirahman HabaneCOMMENTS
|
LINKS
|
||||
|