|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaaradka Ah Wadani Oo Madaxwayne Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Cagta Saaray Dhabadii Kaligii taliyaha,Kana Hadlay Afar Wariye Oo Xidhan.
December 4, 2013 - Written by editorbulshada somaliland waxaanu leenahay dalkii somaliland waar burburye yaad ku eegaysaan arinkani waxa ay cadayna utahay in siilaanyo wadankii ku haysto kaligii talis
Hargaysa(Wajaale-News ) Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee wadani iyo xoghayaha warfaafinta ee xisbiga wadani ayaa shir jaraa´id oo ay maanta si wada jir ah ugu qabteen magaalada hargaysa ee dayn dusha uga tuuray xukuumada kulmiye taas oo ay ku tilmaameen mid wadankii ku haysata Kaligii taliye. Wawarbaahinta madaxbanaan oo ilaa hada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Iyo Musharax madaxwayne ee xisbiga ucid iyo wafti uu hogaaminayo oo laga hor istaagay in galaan magaalada gabiiley. Shirkan jaraa,iid ee ay ku qabteen magaalada hargaysa ayaa ugu horen halkaasi waxa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga wadani Axmed Muumun Seed waxaana uu yidhi?waxaad Ogtihiin xukuumada talada dalka hayse ee kulmiye in xoog ku cabudhinayso saxaafadii madax-banaanad in cago juglayn iyo dhibaato badan ay xukuumadu ku hayso in ilaa hada ay xabsiga ku xidhanyihiin qaar ka mid ah warbaahintii madaxbanaanad waxa uu sheegay dumuq-raadiyadii shacabka reer somaliland oo dhami ay ku faanayeen in xukuumada kulmiye ayaa madawo galisay. Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayey saxaafada madaxbanaan ee xukuumada kulmiye soosaarta ee maanta loogu jawaabay xadhig iyo cabudhin ayaa waxa uu yidhi?kolay siilaanyo waa ilaabee waa saxaafadii soo saartay madaxwayne siilaanyo ee uu kursiga ugu fadhiyo waa Ayaan daro waana waxa laga xumaado in maanta somaliland lagu xidhxidho saxaafada arinkaas waanu ka xunay waan arin nuqsaani ku jirto in maanta saxaafada RRU loogu cago jugleeyo,madaxwayne siilaanyo waxa uu ku socdaa malaa inuu kaligii talisnimo wadankii ku qabsado lakiin dalkani maanta taas ma qaadi karo diyaarna umaaha,waxa marag-madoon ah dawladii siyaasa bare dhibaatadii ay ku bilawday ayey dadkani udul-qaadan waayeen cago juglayn iyo ciidamo wadooyinka la dhigo siilaanyo dadkani maanta umabaahna. Dhanka kale waxa uu canbareeyey In Xukuumada ay ka joojisay musharihii madaxwaynaha ee xisbiga ucid ciidamana dul-dhigta Waxaana uu yidhi?waxaan aad iyo aad U canbaaraynayaa in wafti uu hogaaminayo musharax madaxwaynaha ee xisbiga ucid in hada lagu joojiyey caabudla oo la hordhigay ciidamo badan isaga oo ku socda magaalada gabiley arinkaasina waa arin nuqsaani ku jirto oo qaranka somaliland waxa udhimaysa dumuq-raadiyadiina baalmarsan waxaan leeyahay xukuumada siilaanyo heer waxa ay idinka gaadhay inaad tidhaahaan xisbiyada mucaaradka ahi ma tagi karaan gobolada arinkaas waa arin nuqsaani ku jirto mid haduu sii jiran loo dulqaadan karo arinkaasi maaha. Waxa kale uu sheegay in ay tahay arin naxdin leh in ciidanka qaranka somaliland ku faano in xukuumada siilaanyo u adeegsato dano gaar ah waxaana uu yidhi?waxa aan marna loo dul-qaadan Karin ciidanka qaranka somaliland in loo adeegsado xisbiyada mucaaradka si ay ujidh-dilaan saxaafada madaxbanaana laga ugaadhsado suuqyada magaalada hargaysa waxaana xukuumada siilaanyo usoo jeedin lahayn go,aamada ay qaadanayso in ay meelka dhaca ku yihiin qaranka somaliland iyo shacabka soo doortayna ugu jawaabtay qori arintaas dhacday shalay saxaafada madaxbanaan xaal Ayaanu ka siinaynaa Hadaanu nahay wadani. Dhinaca kale waxa isna halkaasi ka hadlay xoghayaha Warfaafinta Xisbiga wadani Maxamed Dirir Waxaana uu yidhi?sidaas uu guddoomiyuhu sheegay waxaad lawada socotaan in wargayska Hubaal si sharciga baal marsan loogu daatay xafiiskoodii taas oo ay weerertay xukuumada kulmiye,markii arinkaasi dhacay hubaal waxa ay qabatay ninka mid ah dhagar qabayaashii waxa ay gacanta ka galiyeen ciidanka booliska xukuumada somaliland waxa ay cadaysatay in ay weerertay wargayska hubaal sababtoo ah waxa ay maalin cad siidayse dhagar-qabihii soo weereray wargaysa hubaal oo suuqa ay ku siidayse iyada oo aan sharciga horkeenin saxaafada madaxbanaan iyo wargayska hubaal waxa ay ka dhiidhiyeen dhacdadaas noocaas oo kalaa ah waxa loogu abaal guday in xabsiga loo taxaabo cuntadana loo diido bulshada somaliland waxaanu usheegayna oo aanu ugu cel-celinaynaa oo aanu dareensiinaynaa shacabka somaliland ee dalka iska leh in siilaanyo noqday kaligii taliye in ay xabisga ku gureen saxaafadii oo lagu leeyahay waxba ha sheegina in ay habeenkii udaadanayaan oo habeenkii nooc fawda ah ka dhexe wadaan dalka waxa intaas oo dhan kasii daran ninka kaligii taliyaha waxa uu ka xishoodaan oo nuqsaan ku noqon kara in qof xidhan udiido cuntadii waa arin Ayaan daro ah oo ay la kowsatay xukuumada siilaanyo. Mar uu Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga wadani isbarbar dhigay xukuumada talada dalka haysa iyo tii hore ee udub ayaa waxa uu yidhi?dawlada daahir riyaal kaahin xilkii uu siilaanyo kala wareego maalinba wax ayaa uu cunayaa,maanta waxa ay cunayaan xoriyatul qawlkii imkan waxa ay cuneen xisbiyadii mucaaradka ahaa waydinkaas arkaya in xisbigii ucid oo usocdaalay magaalada gabiile laguna xidhay dhexdeeda ciidan badana la dul-dhigay si aanay ugalin gabiiley bulshada somaliland waxaanu leenahay dalkii somaliland waar burburye yaad ku eegaysaan arinkani waxa ay cadayna utahay in siilaanyo wadankii ku haysto kaligii talis waxaan leenahay somaliland mudane siilaanyo dib ugu noqon mayso tii siyaad bare.
WAJAALE NEWS DESK CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:Warsaxaafadeed: Xukuumadda Kumliye Oo Ku Caanbaxday Cabudhinta Iyo Xadgudubka Masuuliyiinta Qaranka ... Qodobada Lagu Soo Eedeeyay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka Ee Xidhan Iyo Wakhtiga Loo Mudeeyay Da... Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Shaaciyay In Tartan Loo Geli Doono Qaybinta Biyaha Caasimada COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|