XISBIGA KULMIYE WUXUU GAADHAY GUUSHII LAGU YAQAANAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XISBIGA KULMIYE WUXUU GAADHAY GUUSHII LAGU YAQAANAY
December 23, 2013 - Written by Editor:
HARGEISA(WAJAALENEWS) Waxa saaka abaaro 10:00 subax nimo iskugu imid xarunta dhexe ee xisbi xaakimka kulmiye gudidii qaban qaabada isla markaana wada hadal ku dhex maray xarunta dhexe ee xisbi waxayna qabsadeen doorashadii inta badan laga sugayey ee shicibku u dhagtaagayey waana farxad aad u qiimo badan isla markaana ay doorteen hogaankii gudida qaban qaabada waxaanan ugu hambalyeynayaa sida quruxda badan ee ay iskugu raaceen iyagoo isku calool fayow wax hadal ahina haba yaraatee aanu ka jirin hogaanka cusubna u doorteen gudoomiye iyo ku xigeeno

1)Abu bakar xaamud jibriil gudoomiyaha gudida qaban qaabada

2)hasan mawliid ahmed gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gudida qaban qaabada

3)ahmed ali mahamuud xoghayaha gudida qaban qaabada

4)xil saleebaan bukhaari .

Waxa hadaba aan hambalyo u diraynaa masuuliyiintii u codaysay hogaamada cusub ee gudida qaban qaabada waxa hadaba aan leeyahay dadka sida xun u falan qaynaya siyaadsada xisbiga kulmiye.

Kulmiye waa xisbi isku duuban meel kastana wada hadalo wuu jiri karaa laakiin waa xisbi arimihiisa si fiican u dhamaysta waxaana dadkaa u soo jeedinayaa wax ku qaata wanaaga kulmiye dhexdiisa ka jira oo wax ku qaata inaad qaybta wanaaga ka shaqaysaan isla markaana aad tixgalisaan horumarka xisbiga gudihiisa ka jira waxa maqan ka hadalkooda laguma daalo ,waxa taagan ayuunba si haboon looga hadlaa waxaanan leeyahay xisbiga kulmiye waa xisbi si xowliya u shaqaynaya isla markaana waxa hada loo diyaar garoobayaa oo hogaanka cusub uu bilaabayaa fadhiyadoodi caadi ahaa isla markaana ay u diyaar garoobayaan wakhtiga dhow ee u dhacayo shirweynihii sadexaad ee xisbigu waxaana mahad balaadhan u dirayaa mar labaad hogaanka cusub ee gudida qaban qaabada ee xisbiga kulmiye waxaanan idinku dar-daarayaa inaad isku duubnaataan oo mid nimada xisbiga ka shaqaysaan.

GACMO WADA JIRBAY WAX KU GOOYAAN.

WADA SHAQAYNTU WAA FURAHA GUUSHA.

HOGAANKA GARABKA DHALINYARADA EE XISBI XAAKIMKA KULMIYE.

PREPARED:LIIBAAN MAHAMED CISMAAN.

COMMENTS
LINKS