|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan ka Mid ah Golaha Deegaanka Gabiley oo Ku eedeeyay Maayarka Gabiley iyo Badhasaabku inay Lunsadeen Lacag dhan 2 Milyan oo Doollar
December 1, 2013 - Written by Wariye:Gabiley(Wajaale News)- Xildhibaan Iid Xassan oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Gabiley ayaa Shir jaraa,id oo uu qabtay Ku eedeeyay Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse iyo Badhasaabku ay Leexsadeen Lacagtii Mashruucii GBLG ee Loogu Tallo gallay Wadooyinka Magaaladda Gabiley Waxaanu Baaq u diray Hantidhawrka Qaranku inay soo farogeliyaan Musuqmaasuqa Baahsan ee jira Gobolka Gabiley.
Xildhibaan Iid xassan waxa uu intaa Raaciyay inay si weyn u soo dhaweeyeen Madaxweynaha islmarkaasna aanay jirin cid neceb Madaxweynaha Qaranka oo Gobolka joogta waxaanu Baaq u diray Madaxweynaha Qaranka inuu Wax ka qabto Maayarka Gabiley oo ku sifoobay inuu leexsado Lacagta intaa leeg oo dhan 2 milyan oo doolar islamarkaasna aanay Garanayn halkuu Waddooyin ku dhisay waxaanu kula dardaarmay hay,addaha ay Khusayso inay Budhcaddan shuraakadda ah talaabo deg deg ah ay ka qaado. Xildhibaan iid xassan waxa uu soo dhaweeyay Waxqabadka ay xukuumaddu ka waddo Gobolka ee aanay Cidna ku halayn waxaanu raaciyay inay Xildhibaano ahaan soo dhaweynayaan balse aanay aqbaleen Musuqmaasuq baahsan inay masuuliyiinta Degmaddu ay leexsadaan oo ay lacagta ummadu u dhiibatay ay Daaro ku jeexdaan Waxa uu sidoo kale ka hadlay Mushaar la,aan ka jirta Dawladda joose oo bishii labaad ay shaqaalaha Dawladda Hoose ay bilaa mushahar yihiin, iyadoo Gobolkani dakhliga uu soo hooyo lawada ogyahay, taasina ay tahay mid ayaan darro ah” ayuu yidhi xildhibaanku Wajaale News Related posts:Madaxweyne Xigeenka Oo Abaalmarino Gudoonsiyay Ardayda Ku Guulaysatay Tartanka Al WAXYAYN Oo Hargeys... Daawo:Hogaanka Xisbiga Wadani Oo Xaflad U Qabtay Dhalinyarada Degmada Alaybaday Oo Cududoodii Taagee... Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Oo Haayada WFP Ku Eedeeyay In Ay Qayb Ka Tahay Caqabadaha Hortaagan Wax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|