Xaflada lagu Tageerayo Shirka Qaran Oo Ay Soo Abaabuleen Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCID UK . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaflada lagu Tageerayo Shirka Qaran Oo Ay Soo Abaabuleen Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCID UK .
December 8, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS)Xaflad aad u baaladhan oo xalay oo tariikhdu ahayd 6.12.13 ka dhacay galbeedka magaaladda London xaflad aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen garabka Haweenka ee Xisbiga UCID ,Kulanka oo aad u baalaadhanaa kana soo qaybgaleen Haween aad u badan oo isaga kala yimid daafaha Cariga Ingiriiska gaar ahaan casimada Dalkan Ingiriiska London.Waxa kale oo xaflada ka qayb qaatan haween reer Somaliland ah.

20131208063160

Xaflada oo ku saabsanaa Tageerid shirka Dooda Qaran, Is waraysi,der-der galinta hawlaha Xisbiga UCID, Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda Xisbiga UCID.

Ugu horeyn waxa xaflada hadalo soo dhaweyn iyo mahadnaqba ah xaflada kasoo jeedisay Gudoomiyaha garabka Haweenka UCID UK Ifraax Baruud oo aad ugu mahadcelisay sida aadka u quruxda badan ee aad uga soo qaybgasheen xaflada,Waxa ay Ifraax ka waranta hawlaha xisbiga gaar ahaan garabka Haweenka halka ay marayaan,Waxyaalaha loo baahan yahay in la qabto iyo guud ahaan himilada xisbiga ee ku aadan der-der gelinta hawlaha ina horyaala.

Saynab Xaaji Gaydh oo ah Xoghayaha Xisbiga UCID ee Yurub oo ka mid ahayd soo qaban-qabiyaashii xaflada ayaa iyaduna aad ugu mahadcelisay dhamaan Haweenka sida quruxda badan ugu soo qaybgalay xaflada,Waxay ka warantan Hawlaha xisbiga UCID ee qaarada Yurub oo ay u tahay xoghayaha ,waxayna kula dardaarantay haweenka inay dedaal dheeraada muujiyaan sidii xisbigu uu horumar la taaban karo uga gaadho dibad iyo gudaba.

Nuura Ciise Oomar oo ah Xoghayaha Xisbiga UCID UK,ayaa iyaduna hadalo aad u qiimo badan oo ku saabsan hawlaha xisbiga ka warantay iyo sidii hawlaha xisbiga loo balaadhin lahaa gaar ahaan dhinaca Haweenka oo ah laf- dhabarka Xisbiga iyo guud ahaan Somalilandba.

IMG_6594

Waxa kale oo Haweenka Xisbiga UCID taageero u muujiyeen shirwaynaha Qaran oo say sheegeen inuu yahay mid sharci ah madama oo aay xisbiyada qaranku aay abaabulayaan oo aay ka kooban yihiin goolaha wakiiladu oo ah gole parliament oo loogu talagalay inaay xukumada qabtaan oo aay la xisaabtamaan islamarkaasina aay yihiin sharcidajintii dalka awood banay u leeyihiin inaay madaxwaynahay impeach garayn karaan ama aay xilka ka xayuubinkaraan islamarkaasina ay yihiin cida umada iyo xukumada u dhaxaysa aanay yihiin sharcidajintii dalka hadaanu nahay garabka haweenka xisbiga Ucid UK.waxaanu leenahay shirka qaran waa sharci waanuna tageersanahay.

Waxa kale oo iyana kulanka ka hadlay haween kale oo ah tageerayaasha Xisbiga UCID,aadna ugu mahadceliyey sida quruxda badan ee aad xafladan usoo abaabusheen,waxayna tageero mid dhaqaale iyo mid maskaxeedba ugu balan qadeen inay xisbiga ku taageerayaan.Haweenka kale ee tageerayaasha ahna kula taliyeen in ay xisbiga tageeraan.

Ugu danbeyntii waxa ay BAAQ canbaareyn ah u direen xukumadda Somaliland falkii anshax xumada ahaa ee lagula kacay musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen safarkii uu ku tagi lahaa Gabiley ee Xukumada Kulmiye u diidey in uu galo magaalada isaga Gabiley isaga iyo madaxdii kale ee xisbiga la socotayba,Waxayna ku tilmaameen in ay tahay wax laga xishoodo tariikhdana gali doonta.

Sidasoo kale waxa ay Baaq kaa la mid ah u direen Xukumada Wariyayaashii xadhiga loo geystay iyada oo aan waxba galabsan,Tasoo cadeynaysa in xukumadda Kulmiye in ay wixii ay dawladii hore ku maagi jirtay ay sameynayso weliba ay kasii bad-badisay.Waxa ayna ku booriyeen in waxyaalaha noocaasoo kale ah ee xukumadu ku kacaysaa ay dhaawici karto jiritaanka Somaliland

201312080632422013120806331520131208063343

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS