|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaflad Casho-Sharaf ah oo Xalay Magaalada Jig-jiga loogu sameeyay wufuud ka badan shan kun oo qof (DAAWO
December 8, 2013 - Written by Editor:xad, December 08, 2013 (WAJAALENEWS) — Xaflad casho sharaf ah oo ay ka qayb-galeen in ka badan 5,000 oo qof oo ka mid ah wufuudda ka qayb-galaya xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya ee maanta ka furmaya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa xalay lagu qabtay magaaladaas. Xafladdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wafdi ka socda dowladda Somalia oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, boostada iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi, kuwaasoo isugu jira wasiir, xildhibaanno, salaadiin iyo bulshada rayidka ah. Xubnaha kale ee dhinaca dowladda oo xafladdaas casho-sharafta ah goob-joogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ah, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan. Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole, wafdi ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha wakiillada Soomaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) oo uu ka mid ahaa wasiirka madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan, hoggaamiyaha maamulka Jubba, Axmed Madoobe, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyo xubno kale oo fara badan : Madaxweynaha maamulka ismaamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar oo hadal ka jeediyay xafladdaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay sharaf weyn u tahay inuu markii ugu horreysay ku qabto magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya. Cumar wuxuu sheegay in horumar ballaaran uu deegaanku ku tallaabsaday dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in magaalada Jigjiga uu ka muuqdo horumar dhinacyada dhismaha iyo ammaanka ah, wuxuuna xusay in wufuuddu ay ku farxi doonaan xuska qowmiyadaha Itoobiya. Maanta oo Axad ah ayaa waxaa ka furmaya magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya, kaasoo lagu soo bandhig doono dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ka jira, iyadoo inta ay xafladdu socoto ay jiri doonaan carwooyin kala duwan oo lagu soo ban-dhigi doono magaalada Jigjiga. Xuskan ayaa waxaa ka qaybgalaya kumannaan wufuud ah oo ka kala socda dalalka Afrika, kuwa dariska la ah Itoobiya iyo dad kale oo dibadda Afrika ka imaanaya, iyadoo diyaargarow xooggan uu maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya WAJAALENEWS.COM JIGJIGA OFFICE
Related posts:Guddiga Diwaangelinta Ururada Siyaasada Oo Go,aamo Ka Soo Saaray Khilaafka Kulmiye. Qodobada Ay Soo... DAAWO: Faadumo Siciid Oo Eedo Culus U Soo Jeedisay Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Komishanka Doorashooyinka Oo Si Rasmi Ah Ushaaciyay Liiska Musharixiinta Golaha Wakiilada Ee Lixda G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|