Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Iyo Horumarinta Gobolada Bari Ee Somaliland Oo La Kulmay Waxgaradka Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Gobolka Sool. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Iyo Horumarinta Gobolada Bari Ee Somaliland Oo La Kulmay Waxgaradka Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Gobolka Sool.
December 12, 2013 - Written by Wariye:

wasirka nabadayntaLaas-caanood(Wajaale News):- Wasiiru Dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobolada Bari ee Somaliland Mudane Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) ayaa maanta Magaalada Adhi-cadeeye oo soddon Kilo Mitir galbeed kaga beegan Magaalada Laas-caanood kula kulmay Waxgaradka labadii ardaa ee dhawaan dhibku ka dhex dhacay.

Waxa kale Wasiiru Dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobolada Bari ee Somaliland kulan kula yeeshay magaalada Laas-caanood  isuduwayaasha Haayadaha Dawlada ee Gobolka Sool

Wasiiru Dawlaha oo socdaalkiisa Tuulada Adhi-cadeeyey ku wehelinayey Badhasaabka Gobolka Sool Mudane

Maxamed Faarax Aadan ayaa ku wargaliyey waxgaradka labada ardaa in ay adkeeyaan nabadgalyada , isla markaana xukumadu go,aan kama dambaysa ka soo saari doonto xalinta dhibaatadii halkaasi ka dhacday, halka sidoo kalena uu u mahadceliyey ciidamada amaanka ilaalinayey eek u sugnaa Aagaasi.

Dhanka kale Wasiiru Dawluhu waxa uu gudaha Magaalada Laas-caanood kulan kula yeeshay isuduwayaasha heer gobo lee Wasaaradaha Iyo Haayadaha Dawlada , kuwaas oo uu ku adkeeyey dardar galinta hawlaha ay gobolka iyo qarankaba uga Masuulka Yihiin , ugana faaideeyaan bulshada  gobolka sool qorshayaasha Waxqabad ee xukumadu ugu talo gashay .     

Hargaysa Office
Caalam News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

COMMENTS
LINKS