Wasiiro Madaxtooyadda dhexdeeda fara cidood kaga badbaaday inay isku farasaaraan; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Madaxtooyadda dhexdeeda fara cidood kaga badbaaday inay isku farasaaraan;
December 9, 2013 - Written by Editor:

shgaqaaHargeysa(Wajaalenews) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse iyo wasiirka Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur ayaa shalay galab isku farasaari gaadhay xarunta madaxtooyadda dhexdeeda kadib markii uu af-ku ka xumaaday.

Labada Wasiir ayaa isku maan-dhaafay arrintii Telefishanka qaranka, waxaana hadalka ku horeeyey wasiir Cukuse oo Abiib ka daba joogay hadal uu madal ka jeediyey oo uu ku difaacaye Madax banaanida Telefishanka isla markaana ku difaacayey Maareeyaha Telefishankaas oo uu wasiirku shaqada ka joojiyey ka hor intii aanu Madaxweyne ku-xigeenku ku celin.

Hase yeeshee Abiib Diiriye ayaa hadalkii Cukuse kaga jawaab celiyey weedho uu Wasiir Cukuse ku durayo, waxaanay taasi sababtay in ay gacanta isla holadaan balse may dhicin in ay isla gaadhaan, iyagoo ku kala dhaqaaqay cadho iyo caytan.

Khilaafka labada wasiir ka dhex curtay ayaa muujinaya in madaxtooyaddu ku kala safan tahay mushkilada afar sano jirsatay eek a taagan Telefishanka qaranka oo afar Wasiir ooh ore sahayatay, iyadoo sida muuqatana marka laga tago Madaxtooyaddu in ay shaqadiisii ku celisay Maareeye Khadar hadana ay wali dhex jiifto Utun aan la bogsiin oo ku fiday xukuumadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland c/raxmaan Saylici oo Khadar Gaas ku celiyey xafiiskiisa ayaa sheegay in arrinta la geli doono isla markaana xal waara loo samayn doono marka uu Madaxweynuhu soo laabto, hase yeeshee waxa muuqatay soo laabashadii madaxweynaha laftiisa in ay ku ladhantay Lurk a sii daran intii hore.

Xog Wargeyska Wajaale helay ayaa sheegaya Wasiir Cukuse in uu ku hanjabay in uu is casilayo isla markaana uu ka dhamaaday samirkii maadaamaa Madaxtooyaddu si toos ah ula safatay Khadar Cali Gaas Maareeyaha, taasoo gaadhay illaa illaa heer ay wasiiradda xukuumaddu is-weydaarsadeen hadalo qabyaaladaysan oo ku waajahan maamul xumada iyo arrimaha musuq maasuq eek a dhex taagan madaxda Xukuumadda

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS