Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Isku-beddel, Magacaabis Iyo Xilka-qaadis Ku Sameeyey Maamulayaasha Kastamada Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Isku-beddel, Magacaabis Iyo Xilka-qaadis Ku Sameeyey Maamulayaasha Kastamada Dalka
December 5, 2013 - Written by Wariye:

cabdicasiis maxamed sHargeysa (Wajaale News)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wareegto uu maanta soo saaray Isku-beddel iyo magacaabis cusub ku sameeyey maamuleyaasha qaar ka mid ah Kastamada Cashuuraha ee Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo wareegtadan soo saaray maanta duhurnimadii,, waxa uu isku beddel ku sameeyey maamuleyaasha Kastamaha dalka halka uu sidoo kale

xilalka ka qaaday qaar ka mid ah madaxda Kastamada kuwaas oo uu beddelkooda u magacaaba maamuleyaal cusub.

Wareegtada Wasiirku soo saaray, waxa ay siyaabo kala duwan u saamaysay Kastamada Caasacaddo, Saylac, Boorama, Kala-Baydh, Balligubadle, Laascaanood, Ceerigaabo, Beer iyo Burco.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale

Waxaanu warku intaasi ku daray in xilalka laga qaaday Maamuleyaashii Kastamada Balligubadle, Ceerigaabo,Burco,Kala-baydh, Laascaanood, kuwaas oo dhammaantood loo magacabay Masuuliyiin Cusub.

Waxa kale oo uu warku intaasi ku daray in Maamulihii Kastamka Boorama loo beddelay Kastamka Kala-baydh, Maamulihii Kastamka Saylac-na loo beddela Kastamka Burco,halka sidoo kale Maamulihii Kastamka Beer loo magacaabay Maamulaha Cusub ee Kastamka Balligubadle.

Wareegtadan ka soo baxday Wasiirka Maaliyadda Somailand,ayaa noqonaysa Isbeddelkii ugu weyna ee Wasiir Samaale ku sameeyo Maamuleyaasha kastamada dalka,waxaanay talaabadani noqonaysa tiraba markii saddexaad ee wasiirku isbeddel ku sameeyo Madaxda Kastamada Cashuuraha Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS