|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga oo Sheegay In Madaxweynaha Somaliland uu Aqbalay in wax Laga Qabto Cadaalad darrada shaqaalaha Warfaafinta haysta
December 11, 2013 - Written by Editor:Wasiirka Ganacsigu waxa uu intaas ku daray in kulan uu la yeeshay shaqaalaha warfaafintu uu hordhac u yahay kullamo Guddiga saddexda Wasiir ay la yeelan doonaan shaqaalaha.
Hargeysa (WAJAALENEWS)Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu aqbalay in wax laga qabto cadaalad darrada shaqaalaha wasaaradda warfaafinta haysata ee la xidhiidha in mushaharka iyo gunooyinka ay u kala badsadaan hanaan sharci darro ah.
Wasiirka Ganacsiga oo ka mid saddex Wasiir oo Madaxweynaha Somaliland u xil saaray inay soo taabtaan, tallo bixinna ka keenaan cabashooyinka ka soosaaray
?Waxaan ka mid ahay saddex Wasiir oo Madaxweynuhu u xil saaray inay la kulmaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, kana soo ururiyaan cabashooyinkooda.markaa waxaan idiin sheegayaa in codsigiinii Madaxweynuhu uu aqbalay oo ay isaga iyo madaxweyne Ku xigeenka oo halkan idiinku yimidba waxa ka go?an in wax laga qabto cabashadiina,?ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirka Ganacsigu waxa uu intaas ku daray in kulan uu la yeeshay shaqaalaha warfaafintu uu hordhac u yahay kullamo Guddiga saddexda Wasiir ay la yeelan doonaan shaqaalaha.
Kulankan waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha Guud ee warfaafinta Md. C/Rashiid Jibriil Yuusuf iyo Maareeyihii TV-ga Qaranka ee shaqaale weynuhu ka biyo diideen dhaqankiisa iyo facaa?ilka uu shaqaalaha ku hayo.
Saddexda Wasiir ee loo xil saaray dhegaysiga cabashooyinka shaqaalaha wasaarada waxay kala yihiin Wasiirrada Ganacsiga, Xoolaha iyo Hawlaha Guud WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE CONTACT; WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo 25 sanadood Kadib Diyaarinaysa Istaraatiijiyada Iyo Siyaasada ... Munaasibada Sanad Guuradii 17Aad Ee Aas Aaska Shirkada Sagal Jet Oo Caawa Lagu Qabtay Magaalada Harg... Xadhiga Murashax Shucayb Maxamed Muuse Oo Saamayn Yeeshay Iyo Cadaalad Daradda Ku Hoos Lamaan Ujeeda... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|