|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Iyo Maal Gashiga Caalamiga Ah Oo Maanta Xafiiskiisa KU Qaabilay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Maraykanka Oo Maal Gashi Ka samaynaysa Dalka.
December 4, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(WAJAALENEWS):-wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta qaabilay wafti ka socda shirkada holy for show oo ka mid ah shirkadaha laga leeyahay dalka maraykanka taas oo maal gashi ku samayn doonta dalka Somaliland.
Hargeysa(WAJAALENEWS):-wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta qaabilay wafti ka socda shirkada holy for show oo ka mid ah shirkadaha laga leeyahay dalka maraykanka taas oo maal gashi ku samayn doonta dalka Somaliland. Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah ee Somaliland waxa uu sheegay inay shirkadani iskeed iskaga diwaan galisay Somaliland isla markaana waxa uu tilmaamay inay shirkadani ka ganacsan doonto beenyada iyo xabagta uu caanka ku yahay gobolka Sanaag taas oo uu sheegay inay ka qayb qaadan doonto sidii dhalinyarada Somaliland ay uga heli lahaayeen fursado shaqo, waxaanu sheegay inay waafajinayaan sharciga ganacsiga ee dalka. Ugu horayn oo wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah oo ugu horayn ka hadlaya kulanka uu la qaatay masuuliyiinta shirkadan ayaa waxa uu yidhi ?shirkada la yidhaahdo Holy For Show oo xarunteedu tahay magaalada California ee wadanka maraykanka oo doonaysa inay maal galin ku samayso Somaliland gaar ahaan beenyada iyo xabagta uu gobolka Sanaag uu hodanka ku yahay, shirkadaas oo go,aan ku gaadhay inay iska diwaan geliso Somaliland oo ay ka hawl gasho sidii ay khayraadka si farsamaysan oo cilmiyeysan ay ula shaqayn lahayd ganactada Somaliland ee deegaanka ee arimahaas xirfada u leh dabadeedna ay badeecadaheena u iib geeyaan dalka maraykanka iyo meelaha kale ee looga baahan yahay.? Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay muhiimada ay shirkadani u leedahay dalka gaar ahaan dhinaca shaqo abuurka dhalinyarada waxaanu yidhi ?shirkadaas fadhi gaar ah oo aanu yeelanay ka dib waxaanu u aragnaa inay waxtar weyn ku soo kordhin doonto ka faa,iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dhinaca beenyada iyo xabagta ilaahay ku manaystay Somaliland, arintaas oo aanu rajaynayno inay dardar gelin doonto shaqo abuurka dhinaca deegaanka gobolka Sanaag , gobolkaas oo ah mid aad u durugsan dhul balaadhana ku fadhiya waananu ku faraxsanahay arintaas waanan soo dhawaynaynaa, waxaanan ula shaqaynaynaa si waafaqsan sharciga ganacsiga ee dalka iyada oo xafiiska maalgashiga ee wasaaraduna uu ka shaqayn doono sidii uu u taageri lahaa anaga oo rajaynayna inay shirkadani wax ka tarto arimaha horu marka dhinaca dhaqaalaha ee dalka.?ayuu yidhi wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Meel Adag Iska Taagtay Dedaalo Ay Dawlada Muqdisho Ku Doonayso Inay Qaramada... Daawo:Xil.Kijaandhe Oo Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland Ku Sifeeyay Mid Uu Wasiir Sacad Boorso Ku... DAAWO;-Shaqaale Uu Tacadi Kula Kacay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawladu Oo Dacwad Ka Dhan Ah Ugu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|