|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Hawada Oo Baro Kiciyay Qoysas Duleedka Madaarka Deganaa In Ku Dhaw Qarni, Ciidan Tiro Badan Oo La Dul Dhigay Iyo Dhul Balaadhsi Lagu Eedeeyay Wasiir Maxamuud Xaashi.
December 16, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Dadka dagan degaanka koonfureed ee madaarka hargaysa ayaa qaylo dhaan ka diray wasiirka wasaarada duulista iyo hawda somaliland oo kuna edeeyey inuu dadka dagan degaankaasi uu ka rarayo kuna balaadhinayo madaarka hargasay. Hadab ugu horen halkaasi waxa ka hadlay Axmed Saleebaan Bide oo ka mid ah dadka halkaasi daganaa waxaana uu yidhi?dadkan boqolaal sanadooda ayey daganaayeen halkan maanta wasiirka duulista iyo hawda somaliland uu hungurigu ka hayo mana suurtoobi doonto inuu isku balaadhiyo koobta ay dagan yihiin maatidu iyo caruurtu,dadka maanta halkan dagan ee beeraha ku leh ee caruurtoodii ku sii dhaleen caruur kale masuurtoobi doonto in ay si dhib yar nalooga qaado,xukuumada aan naga caawin waxaanu beeraha ku qodono ee aan naga caawin hal cagaf ah in ay maanta usoo xaglo xidhato beerahaas nooc waliba ku yalaan in ay cagta mariso oo ay baabiiso dano gaaran ku fushato kama aqbali doono.
Hargaysa Office
|
LINKS
|
||||
|