Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Mar Kalena Fariin U Diray Ciidamada Booliska Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Mar Kalena Fariin U Diray Ciidamada Booliska Somaliland
December 27, 2013 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu muddooyinkii ugu dambeeyay socdaal ku tagay qaar ka mid ah wadamada Yurub.

Cali Maxamed Warancade ka dib markii uu garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka soo degay Warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dadkii dhawaan ku dhintay Magaaladda Burco ka dib markii uu Mudaharaad Rabashado watay uu ka dhacay Magaaladaasi.
Waxa uu ilaahay uga baryay intii ku dhimatay rabshadahaasi in uu ilaahay naxariistii janno ka waraabiyo, ehaladii iyo shacabka reer Somaliland Samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa uu ciidamada Booliska ugu baaqay in aanay ku dedaalaan sidii ay shacabka ula noqon lahaayeen Walaalo, balse aanay uga dhigan lahayn kuwo isu cadaw ah mar walba.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayay fariintiisan u dambeysay ee uu ciidamada Boolisku u diray ay noqonaysaa midii labaad ee tan iyo intii uu xilka Wasaaradaasi la wareegay uu u diro ciidamada Booliska Somaliland

wajaalenews desk

hargeisa office

COMMENTS
LINKS