|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Debada Somaliland Oo Ka War bixiyey Safaro Uu Ku Soo Maray Wadamo Dhawr Ah
December 11, 2013 - Written by Editor:wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay safaro shaqo uu ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada debada.
Hargeysa(WAJAALENEWS):-wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay safaro shaqo uu ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada debada. Wasiirka arimaha debada Somaliland oo maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka war bixiyey safaro u ku soo maray wadamada Uganda, Ingiriiska iyo wadanka isku taga imaaraadka carabta. Ugu horayn wasiirka arimaha debada Somaliland oo ka war bixinaya safarada uu ku soo maray wadamadaas oo socdaalka ku soo maray ayaa waxa uu yidhi ?waxaan mudo badan ku maqnaa wadanka Uganda halkaas oo aan kula kulmaywasiirka arimaha debada ee dalkaas, wadankaas oo ah wadan aynu walaalo nahay oo xidhiidh inaga dhaxeeyo aad ayaanay ii soo dhaweeyeen waanay na casuumayaan aniga iyo madaxweynahaba,waxa kale oo aan tagay wadanka Ingiriiska halkaas oo aan kaga qayb galay shirar badan oo la xidhiidha shirkada Genel iyo nabad galyadeeda, waxa kale oo aan soo maray Dubai halkaas oo aan doonaynay inaanu daba gal ku samayno mashaariic badan oo dawlada Imaaraadku noo balan qaaday sidii loo socodsiin lahaa iyo halka ay marayaan iyo inaanu dawlada imaaraadka ku war gelino sida ay dadku ugu baahan yihiin mashaariicdaas ugana mahad naqno.? Ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay eedaymaha loo soo jeediyo wasaaradiisa ayaa waxa uu sheegay inaan loo joojinayn cid kasta oo ka hor timaada hawlaha ay wasaaradu u hayso qaranka waxaanu yidhi ?masuuliyada ugu weyn ee wasaarada arimaha debada Somaliland waa inay nabad galyada kala shaqayso xubnaha kale ee xukuumada, ta labaadna waxa weeye in la gaadhsiiyo horu mar dhaqaale iyo wadanka oo loo raadiyo maal gashadayaal wax inala qabta, wadankuna sidan kuma jiri karo umana joojinayno qof meel ka hadlay ama wax iska yidhi waxa muhiima in cid kasta oo albaabadeena garaacda oo doonaysa inay wax ila qabtaan oo ay maal gashadaan dalka ama dekada ah noqoto ama batroolka ama sibidhka ama jidadka, wax kasta oo inoo soo jiidaya dad maal gashadayaal ah ama hay?addaha caalamka ee wax bixiya waa inaynu soo dhawaynaa, wasaarada arimaha debaduna waxay masuul ka tahay wax kasta oo debada ku lug leh,markaa waxaan ku celinayaa inaan loo joojinayn danta umadu waxay tahay qof meel ka hadla.? Ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. WAJAALENEWS HARGEISA OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|