Wasiir Ku Xigeenka Amniga Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Dalabkii Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Ku Saabsanaa Mudaharaadka Salmiga ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xigeenka Amniga Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Dalabkii Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Ku Saabsanaa Mudaharaadka Salmiga ah.
December 8, 2013 - Written by Editor:

Wasiir Ku Xigeenka Amniga Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Dalabkii Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Ku Saabsanaa Mudaharaadka Salmiga ah.

Hargays(WAJAALENEWS)Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaarada Arimaha gudaha somaliland C/Abokor Cismaan oo maanta shirjaraa,iid ku qabtay magaalada hargaysa ayaa waxa uu sheegay inaanay suuro gal ahayn in ay xisbiyada mucaaradku qabtaan mudaharaad taas uu ku sifeeyey in ay ciidanku heegan buuxa ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen argagixisada islo markaana waxa uu sheegay inaanu damaanad qaadi Karin mudaharaadka ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku.

 u_118084d_2013-12-8-15-26-19f_wasiirku xigeenka

Waxa kale uu sheegay wasiir ku xigeenka amnigu iyaga oo dhawraya dastuurka qaranka somaliland ogna waxa ka jira mandaqada geeska afirac iyo dhacdooyinka ka dhaca gobolada


inala jaarka ah ee somaliya inaanay suuro gal ahayn in xisbiyada mucaaradku ku dhawaaqaan mudaharaad waxaana uu yidhi?

?Anagoo aqoonsan kuna dhaqmayna axdiyada qaramada midoobay iyo qaynuunka dawliga ah isla markaana xurmaynayna baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ah( Universal declaration of human rights ) iyo xoriyada aasaasiga ah, bandhigista ra?yiga iyo xoriyadda xasaasiga ah ee ra?yi dhiibashada iyo madax banaanida saxaafada sida ku cad qodobada 10aad farqadiisa 2aad  qodobka 21aad faqradiia 2aad qodobka 22aad  faqradiisa 1aad qodobka 32aad faqradiisa 1,2,3aad qodobka 34aad faqraadiisa  1,2,3,4aad ee dastuurka jamhuuriyadda somaliland,Anagoo tixgalinayna xeerka ilaalinta iyo anshaxa nabad galyada guud ee xeer Lr.51/2012 qodobkiisa 10aad faqradiisa 3aad xisbiyada mucaaradku ee qoraalka noogu soo gudbiyey mudaharaadka anaga oo arintaas sababayn xaalada guud ee ay ku suganyihiin mandaqad geeska afirca gaaro ahaan gobolada inala jaarka ah ee somaliya oo ay ka jirto xaalada amni daro islamarkaana uu ciidanka booliska somaliland uu heegan buuxo ku jiro amaanka somaliland markaas anaga ka wasaarada ahaan nooma muuqato nimdaam aanu ku fasaxno mudaharaadka ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradku.

 

Dhanka kale waxa uu wasiir ku xigeenku usoo jeediyey guddoomiyayaasha gobolada dalka in ay ku dhaqmaan go,aankaas ay soo jeediyeen wasaarada arimaha gudaha somaliland waxaana uu yidhi?shacabi wayna somaliland Guddoomiyayaasha gobolada dalka jamuuriyada somaliland waxaan usoo jeedin lahaa in ay ku dhaqmaan go,aanka ay gaadhay wasaarada arimaha gudaha somaliland.

Sidoo kale marlawaydiiyey wasiir ku xigeenka arimaha gudaha somaliland in dastruurka qaranka somaliland uyaala uu xisbiyada mucaaradka damaanadu usiinayso in ay dhigaan mudaharaad salmi ah ayaa waxa uu yidhi?waxa jirta xuquuq asaasi ah oo qofkasta oo muwaadini leeyahay sida qodobada 10,21,22,34,35,ee tastuurka qaranka jamuuriyada somaliland dhamaan waxa ay damaanad usiinayaan in ay mudaharaad sameeyeen lakiin waxa jira qodobka nabad galiyada iyo anshax jamuuriyada somaliland qodobkiisa 10,Farqadiisa 3aad waxa faraysaa wasaarada arimaha gudaha somaliland guddoomiyaha gobolka iyo maayarka dagmadaasi marka uu qiimeeyo xaalada guud ee dalka inuu diidi karo am joojin karo islamarkaa anagu waxaanu ku sababayne xaalada ka jirta mandaqada geeska Africa gaaro ahaan dalka somaliya markaas waxaan faraynaa xisbiga mucaaradka ah ee ucid inuu ku dhaqmo go,aanka wasaarada arimaha gudaha somaliland.

Waxa kale uu ka hadlay wariyayaal ka tirsan saxaafada madaxbanaa ee somaliland oo ilaa hada ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada hargaysa waxaana uu yidhi??anaga hortu saxaafadu waynootimi foomkii waanu ugudbinay waxaana jira foom qofku markuu doonayo inuu mudaharaado soo buuxiyo foomkaas waynaga qaateen islamarkaana nagumaysoo celin kabacdina way mudaharaadeen markaas qofku waxa uu  ku dhaqanyahay waa sharci waxaana uu wariye ku yahay waa arin sharci ah markaas qofna sharciga madumin karo islamarkaana sababta ay wariyayaashu ku xidhanyihiin waxa ay baalmareen sharcigii uyaalay dalka,hadaanu maanta ogolaansho usiin lahayn sidaasiba maydhacdeen maanta.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay dhacdadii uu guddoomiyaha gobolka gabiiley kaga horjoogsaday musharax madaxwayne ee xisbiga ucid Jamaal cali xuseen iyo wafti uu hogaaminayo inuu galo magaalada gabiiley waxaana uu sheegay in waftigaas uu hogaaminayo Jamaal cali xuseen inaanay ogolaansho sii waydiisan guddoomiyaha gobolka islamarkaana loojoojiyey sidaas

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS