Wasiir Cukuse oo Shaqo ka Joojin ku Sameeyey Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cukuse oo Shaqo ka Joojin ku Sameeyey Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas.
December 1, 2013 - Written by editor
Ma ah Markii ugu horeysay ee khilaaf noocan ahi uu ka dhex dilaaco Masuuliyiinta Wasarada warfaafinta oo ka mid ah Meelaha ugu lacagta badan Somaliland……..

 

 

 

 

 

Hargeisa(Wajaale-News)  Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Shaqadii Saaka ka joojiyey Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Md. Khadar Cali Gaas, waxaanu Wasiirku Qoraalka Shaqo ka joojinta ku Amray Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasarada Warfaafnita in aanu soo gali karin maareyuhu.

Arrintan ayaa ka Danbeysay ka dib markii uu khilaaf xoogani uu ka dhex dilaacay Wasiirka iyo Mareeyaha kuwaasi oo isku qabtay Guddi loo saaray in ay dib u eegis ku sameeyan lacagta mushahar ahaan ay u qaatan Shaqalaha Telefeshinka Qaranka oo la sheegay in lacagtoodu aad u kala badan tahay, wasiirka ayaa la sheegay in sababta guddidaasi khilaafka ka dhashay u magacaabay ay ahayd ka dib markii shaqalaha qaar ka mid ahi sheegeen in mushaharka ay qaatan uu yar yahay, waxanu wasiirku sheegey in aanay caqli gal ahay in shaqaalah qofna qaato 1,000 Dollar Midina uu qaato 150Dollar.

Dhanka kale Wararku waxay intaasi ku darayaan isla saaka Mareeyaha oo doodnayey in uu xafiiskiisa taago ay ciidanka boolisku u diideen in uu kadinka wasaarad ka galo iyaga oo u sheegay in ay qabaan Amar Wasiir.

Mareeyaha Telefeshinka ayaa isla saaka Lagu arkayey isaga oo ku sugan Gobolka oo ah meesha ay wasaraada ugu badan ee dalku yaalan, waxaanu wakhtigaasi ku sugnaa wasarada Waxbarahada.

Khilaafka soo kala dhex galay Wasiirka iyo Mareeyaha ayaan la ogaan doonin halka uu ku dhamandoono, waloow uu Madaxweyaha Somalialand Labadoodaba uu digreeto ku soo Magacaabay.

Ma ah Markii ugu horeysay ee khilaaf noocan ahi uu ka dhex dilaaco Masuuliyiinta Wasarada warfaafinta oo ka mid ah Meelaha ugu lacagta badan Somaliland, waxa hore u jiray in Muran noocan ahi uu dhex maray Wasiirkii hore ee Wasarada Warfaafinta Boobe Yusuf Ducaale oo isaguna wakhtigaasi Shaqo ka joojin ku sameyey Mareeyihii wakhtigaasi DHuxul oo ahatan aha Afhayeenka madaxweynaha iyada oo wakhtigaasi wasiirka hore ay galaftay shaqo ka joojintaasi, waxaase aan la garanaynin halka ay ku danbeyn doonto arrintani.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS