WARSAXAFADEED;Xisbiga WADDANI Waxaa Uu Taageerayaa Kana Qayb Qaadanaya Wax Kasta Oo Lagu Muujinayo Ilaalinta Xoriyatul Qawlka Iyo Xuquuqul Insaanka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WARSAXAFADEED;Xisbiga WADDANI Waxaa Uu Taageerayaa Kana Qayb Qaadanaya Wax Kasta Oo Lagu Muujinayo Ilaalinta Xoriyatul Qawlka Iyo Xuquuqul Insaanka Somaliland
December 7, 2013 - Written by Editor:

Xisbiga WADDANI Waxaa Uu Taageerayaa Kana Qayb Qaadanaya Wax Kasta Oo Lagu Muujinayo Ilaalinta Xoriyatul Qawlka Iyo Xuquuqul Insaanka Somaliland

 

HARGEISA(WAJAALENEWS) Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa bulshada ugu baaqay inay muujiyaan dareenkooda ku waajahan maalinta xuquuqal insaanka iyo xoriyatal qawlka isla markaasna ay nabadgelyada dhawraan.

Sidoo kale waxay xuseen in xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku tumatay xoriyatal qawlkii iyo xuquuqal insaankii Somaliland.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan.

“Waxaa bishan 10keeda laga xusayaa adduunka maalinta xuquuqal insaanka

Ummada Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa iyagoo dhawraya amniga, in ay si nabadgelyo ah u muujiyaan dareenkooda ku waajahan ilaalinta xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka umadda Somaliland ee xukuumadda Siilaanyo ku tumatay.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxaa uu taageerayaa kana qayb qaadanaya wax kasta oo lagu muujinayo ilaalinta xoriyatul qawlka iyo xuquuqul insaanka Jamhuuriyadda Somaliland“. Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan kasoo baxay xarunta guud ee xisbiga WADDANI.

Si kastaba ha ahaatee maalintan oo ku beegan 10/12/2013 ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay jeelasha ku jiraan wariyeyaal gaadhaya ilaa shan wariye oo ku kala xidhan Hargeysa iyo Boorama, halka xisbiyada mucaaridka ahna lagu soo rogay inay fiise u qaataan gobolada iyo dagmooyinka dalka Somaliland.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS