|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixin ku saabsan Taariikhdii Shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Maanta lagu dhawaaqay Magacaabiddiisa
December 12, 2013 - Written by Editor:Khamiis, December 12, 2013 (wajaalenews) — Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed wuxuu dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sannadkii 1959-kii, hadda waa 54-jir. Waana dhaqaale-yaqaan jagooyin kala duwan soo qabtay. C/weli Sheekh wuxuu ka baxay kulliyadii dhaqaalaha ee jaamacadii Gahayr ee Somalia, isagoo qaatay shahaadada heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadeed, waxaana xukuumadii milateriga ahayd ee Soomaaliya ay u magacowday markiiba agaasimaha guud ee wakaaladdii dhoofinta xoolaha Soomaaliya. Markii uu dalku burburka galay C/weli Sheekh wuxuu u wareegay howlo kale isagoo kasoo shaqeeyay hay’ado badan, ururro, bangiyo iyo dalal caalamka ku yaalla. Wuxuuna daggan yahay dalka Canad isagoo haysta laba dhalasho oo kala ah Soomaali iyo Canadian. Hay’adaha kala duwan ee uu kasoo shaqeeyay uu kasoo shaqeeyay waxaa ka mid ah: Bankiga Canada, Bankiga Adduunka, hay’adda gargaarka Mareykanka ee USAID, urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS, bangiga horumarinta Islaamka iyo kuwo kale. Sidoo kale, C/weli Sheekh wuxuu lasoo shaqeeyay hay’adaha ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay, Midowga Afirka, Midowga Yurub, ururka horumarinta beeraha jaamacadda Carabta, IGAD, urur-goboleedka golaha iskaashiga Khaliijka, sanduuqyada dhaqaalaha dalalka: Sucuudiga Carabiya, Kuwait, Qatar, bangiga horumarinta Aasiya iyo bangiga horumarinta Afrika. Ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu si aad u wanaagsan ugu hadlaa marka laga soo tago luuqaddiisa hooyo ee Soomaaliga afafka kala ah Ingiriiska, Carbiga, Talyaaniga iyo Faransiiska. Dhanka kale, wuxuu socdaallo shaqo ku maray in ka badan 100-waddan oo calaamka ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin 11 dalka oo kala ah: Somalia, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Zambia, Masar, Canada, Yemen, Sucuudi Carabiya, Kuwait, Imaaraadka Caabta iyo Malaysia. Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xilka ra’iisul wasaarenimo ee dalka si toos ah ula wareegi doono markii uu codka kalsoonida ka helo golaha shacabka sida uu qabo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wajaalenews.com hargeisa office contact;wajalenews@gmail.com.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|