Warbixin Daaha Ka Rogtay In Kumanaan Kun Oo Afrikan Reer Eritariya U Badan Lagu Laaayey Saxaraha Siinay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Daaha Ka Rogtay In Kumanaan Kun Oo Afrikan Reer Eritariya U Badan Lagu Laaayey Saxaraha Siinay.
December 5, 2013 - Written by Wariye:

haribayaalSiinay(Wajaale News):- Cilmi baadhis cusub ayaa muujinayso in ilaa 30,000 oo ruux oo u dhashay dalka Eritreya la dilay ama la afduubay lama degaanka Sinai ee dalka Masar.

Dadkan ayaa la sheegayaa inay tahriibayaal ahaayeen oo ay usii socdeen dalka Isra’iil.Koox aqoonyahano ah oo u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ka socda wadamada Sweden iyo Holland ayaa ogaaday in dadkaasi lagu sameeyo xadgudbyo uu ku jjro kufsi.

Warbixinta ayaa tirada dadka u dhintay tacaddiyadaas ka dhigayso shan kun ilaa toban kun oo ruux.

Dadka warbixintaan soo saaray ayaa sheegay in la haysta yaasha lagu qasbay in ay taleefoon u diraan qaraabadooda ku nool Eritreya iyagoo jir dilku ku socdo.

Dadka afduubka loo haysta ayaa la sheegay inay ku jiraan carruur da’doodu tahay hal sano ama labo sano jir.

Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaantay ka ganacsiga tahriibka dadka ee Sinay xaaladda bani’aadanimmo tii ugu xumayd caalamka oo dhan.
Dadkani u dhashay Eritreya ee la bartilmaameedsanayo ayaa la sheegay inay ka baxsanayeen jawiga siyaasadeed ee cabbudhinta ku dhisan ee dalkaas ka jiro.

Militeriga Masar ayaa howlgallo ka wado Sinay si wax looga qabto ammaan darrida halkaas ka jira.

Dadka wax afduuba ayaa waxa lagu yeqaanaa in ay ka howlgalaan dhulka miyiga ah ee woqooyiga Sinay iyaga oo aan cidna ka cabsanayn.

Qaar ka mid ah dadkani dhibanayaasha ah ayaa waxa qabsaday oo afduubay rag u dhashay qabiilka reer miyiga ahi ee deggan Saxaraha.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS