Filimkii Abwaan Sangub iyo Saado Cali ay ku Aflagaadaynayeen Jabhadii SNM Ayaa Qayb Kamid ah lasoo bandhigay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Filimkii Abwaan Sangub iyo Saado Cali ay ku Aflagaadaynayeen Jabhadii SNM Ayaa Qayb Kamid ah lasoo bandhigay .
December 15, 2013 - Written by editor

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub oo mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa soo alifay ruwaayad cusub oo la magac baxday Ummad Wada Siyaasi ah sidee loo dhaqaa, Waxaana kula jirta Fanaanada Saado Cali Warsame.

snm2

Filimkan oo ka hadlaya BUrburkii somaliya iyo sababaha keenay taasoo uu Filimku si qaawan u weerarayo Jabhadii SNM oo dalka Somaliland xoreysay waxaana si badheedh ah filimkani wax uga sheegayaa SNM.

Filimkan Ayaa Dowlada Somaliya ee uu hogaamiyo Hassan Sheikh Mohamud ka mabnuucday in Filim noocan oo kale ah lasoo bandhigo lana siidaayo madama ay boogo badan oo la dhayayo dib usoo cusboonaysiinayso.

Filimkan Qayb kamid ah Ayaa durba suuqa lasoo galiyay waxaana filimka ka muuqda naceyb aad u wayn iyo weerar qaawan oo lagusoo qaaday Qadiyada Somaliland.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS