WAR DEG DEGA CIIDAMO GOORDHAWAYD ALBAABADA U LAABAY XARUNTA WARGAYSKA HUBAAL | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEGA CIIDAMO GOORDHAWAYD ALBAABADA U LAABAY XARUNTA WARGAYSKA HUBAAL
December 13, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA (WAJAALENEWS) Ciidamo booliska oo xidhay xaruntii wargayska hubaal

Ciidamo katirsan booliska Somaliland ayaa goordhawayd xidhay xaruntii wargayska hubaal  waxa kale oo ay xabsiga u taxaabeen laba katirsan shaqaalaha wargayska hubaal oo kusugnaa xarunta

Labada shaqaalaha ayaa magacaantoodu kala ahaayeen 1;qaro iyo cismaan labadan qashaalaha ah ayaan la ogayn meel ay geeyeen ciidama meesha soo weeraray

Taliyaha ciidanka booliska cabdilaahi fadal iimaan ayaa xalay mar uu kahadlayay warbaahinta wuxuu hanjabaad u dirayay masuuliyiinta wargayska hubaal isagoo ku eedaynaya qoraalo warbaahintu qortay oo sheegayay in ay ishaystaan masuuliyiinta ciidamada boolisku

Xadhiga xarunta wargayska hubaal ayaa loo marin wax sharciya ama cid wax eedayn usoo gudbisay haadayaha sharciga lama oga sobobta rasmiga ah ee keentay xadhiga wargayska hubaal

Mudo hore ayay ahyd markii goor habeenima ah lasoo weeraray xarunta wargayska weerarkaa ayaa waxaa fulinayay shufto hubaysan wajiana soo duubtay dhaawacna ugaystay masuuliyiinta wargayska hubaal shuftadii weerarka sooqaaday ayaa midka mida oo laqabtay wuxuu noqday askari katirsan ciidanka booliska

Askarigan oo ay qabteen dadkii markaa joogay xarunta ayay geeyeen xarunta c,i.d si loo ogaado cida rasmiga ah ee kadanbaystay weerarkan

Ninkii weerarka sooqaaday ayay dawladu inaybaadho daayoo ay siidaysay

Isku soo wada duuboo wali lamagaranayo waxa xiligan keenay weerarka sharciga baal marsan

Arimahan wixii kazoo kordha kala soco wajaalenews

COMMENTS
LINKS