War Deg Deg Ah:Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Loo Magacaabay C/weli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah:Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Loo Magacaabay C/weli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed
December 12, 2013 - Written by Wariye:

Muqdisho(Wajaale News):-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor dhow ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, kaasoo bedeli doona Saacid.

XasanSheekh maxamud_
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay si aad ah ugu mashquulsanaa soo xulista ra’iisul wasaaraha cuusb, waxaana uu noqonayaa ra’iisul wasaaraha uu maanta magacaabay kii labaad oo uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid iyo xukuumaddii uu hoggaaminayay oo hal sano shaqeynaysay ayaa 02-dii bishan waxaa si aqlabiyad ah ay xildhibaannada baarlamaanku ugu diideen kaslooni ay kusii shaqeyso.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la horgeeyo ra’iisul wasaarahan cusub ee la magacaabay baarlamaanka si ay kalsooni u siiyaan. Wuxuuna ka soo dhex-baxay ra’iisul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed tobaneeyo murashaxiin ah oo xilkan isku soo taagay.

C/weli Sheekh Axmed ayaa wuxuu markii ugu dambeysay ka shaqeynayay Bankiga Islaamka ee xaruntiisu tahay boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Taariikh nololeedka ra’iisul wasaaraha cusub iyo shaqooyinkii uu soo qabtay waxaad kula socon doontaan wajaalenews.net

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

COMMENTS
LINKS