War Deg-Deg ah: Kalfadhigii Golaha Degaanka Burco Oo Lagu Kala Kacay + Maayirka Iyo Ku Xigenkiisa Oo iswaydar-saday Hadalo Hanjabaad Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Deg ah: Kalfadhigii Golaha Degaanka Burco Oo Lagu Kala Kacay + Maayirka Iyo Ku Xigenkiisa Oo iswaydar-saday Hadalo Hanjabaad Ah
December 15, 2013 - Written by Wariye:

wajaale newsBurco (Wajaale News) Iyadoo Oo Uu Maalmihii u Danbeyayba Uu Jiray Khilaaf Xoogan Oo ka Dhex Taagan Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad iyo ku Xigenkiisa Muxumed Xasan Xoday ayaa Maanta si Rasmiya usoo Shaac baxay.

Khilaafkani u Dhaxeya Maayirka iyo Ku Xigenkiisa ayaa soo Shaac Baxay ka Dib Markii Maanta Xildhibanada Golaha Degaanka burco ay isugu Yimadeen
Kalfadhigii Todobaad Ee ay Yesheen Golahaasi.halka ay Kalfadhigaasi ka soo Xadireen 15 Xildhibaan.

Waxaana Markii ay Xildhibanadaasi u Fadhisteen Kalfadhigaasi isagu Gabi ahaanba Diiday inuu ka Soo Xaadiro Kalfadhigaasi Maayir ku Xigenka Degmada.

Waan-Waan iyo Wada Hadal Dheer ka Dib Waxay Qaar ka Tirsan Xildhibanada Goluhu ku Qanciyeen Maayir ku Xigenka inuu soo Galo Xarunta Dowlada Hoose si Loo Ansixiyo Miisanayadda Dowlada Hoose Ee 2014.Balse

Bahda Saxafadda Ee Gobalka Togdheer Oo iyadu Goob Joog ka ahayd Markii la Furayay Kalfadhigaasi ayaa Maayir ku xigenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday Uu Gabi ahaanba Diiday inay Saxafaddu Soo Gasho Gudaha Xarunta Lagu Qabanayay Kalfadhiga.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Saxafaddu Haka Baxdo Gudaha Hoolka,Cidina Waxba Ma Duubi-Karto.
Dhiciisana Maayirka degmada Maxamed Muraad ayaa Bahda Saxafadda Amar ku Siiyay inay Wataan Wajibadkooda Qaran Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii

” Saxafaddu Shaqadeeda ha Wadato Meesha Aana ka Maayir ah Aana Xukumada,Xodayow Meesha Ma Xukuntid,Kalfadhigu Wuu Qabsoomayaa Miisanayidana Waa la Ansixinayaa” Ayuu Yidhi Maayirku

Ugu Danbayntii Khilaaf Xoogan Ee ka Dhex Taagan Golaha Degaanka Burco Ee ku Saabsan Ansixinta Miisaniyadda 2014 ayaa Waxa Wali Gudaha Hoolka Xarunta Dowladda Hoose ka Socda Buuqa iyo Sawaxanta ay Xildhinadaasi Kuwaasi Oo u Kala Jabay Laba Kooxod.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email.habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS