War Deg Deg Ah- Hargeysa : Afar Saxafi Oo Cuntadii Ka Soomaay ( | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah- Hargeysa : Afar Saxafi Oo Cuntadii Ka Soomaay (
December 8, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa (WAJAALENEWS) afar wariye oo dhawaan ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa xadhig u gaysteen ayaa xalay ka soomay guun ahaan cuntadii.
Saxafiyiinta xidh xidhan oo tirsanaaya cadaaladda daro ayaa dareenkoodu ku cabiray cuno ka soomid, kadib markii loo diiday dadkii soo booqanaayey iyo adeegyadii kale ee aas aasiga ahaa.

 

tan iyo maalintii la xidhay wariyaasha may soo bixin warar la xidhiidha sababta rasmiga ah ee loo haystoo, marka laga reebo ka qayb qaadashada mudaharaad aan dhicin oo ay qayb ka ahaayeen.

 

Wariyayaasha cuntada ka soomay ayaa kala ah:

Xasan Maal Dhidar, Siciid Khadar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bash/Xarunta-Xuquuqal-Insaanku-Waxay-Si-Adag-u-Canbaaraynaysaa-Xadhiga-Garaaca-iyo-Cago-juglaytna-Suxufiyiinta.

Siciid Khadar


Cabdilaahi, Xasan Maal Dhidar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir oo ka hawl gala saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.

 

dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa dareeno kala duwan arrintaas xadhiga wariyaasha ka bixiyey, in kastoo sharciga hal mar la horkeeyey, taas oo markiiba loo diray todoba cisho oo Rumaan ah, iyada oo aanay maxkamadu wax danbi ah ku cadayn.

xaalada wariyaasha xidh xidhan wixii warar ah ee ka soo kordha waxaanu idiinku oo gudbin doonaa wararka danbe ee wajaalenews

COMMENTS
LINKS