War Deg-deg Ah: Baarlamaanka Somalia Oo Ansixiyey Ra´isal Wasaaraha Cusub Ee Dalkaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-deg Ah: Baarlamaanka Somalia Oo Ansixiyey Ra´isal Wasaaraha Cusub Ee Dalkaasi
December 21, 2013 - Written by Wariye:

raysalwasaraha somaliaMuqdisho(Wajaale News):- Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra?iisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, kaddib markii uu maanta hortagay baarlamaanka.

Mudanayaashii kulanka fadhiyay oo tiradoodu ahayd 243 xildhibaan ayaa waxaa 239 ka mid ah ay codkooda siiyeen ra?iisul wasaaraha Soomaaliya, halka laba mudane ay ka aamuseen laba kalena ay diideen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhaawaqay in ra?iisul wasaaraha cusub uu wixii maanta ka dambeeya la wareegayo howlaha xukuumadda, loogana fadhiyo inuu soo dhiso gole wasiirro.

Intaa kaddib waxaa hadal ka jeediyay golaha baarlamaanka ra?iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo sheegay inuu xoogga saarayo wax ka qabashada cadaaladda, la dagaalanka argagaxisada, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii dalka uu u gaarsiin lahaa horumar wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna hadal ka jeedinaya golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ku saabsan go?aankii ay xildhibaannadu ku ansixiyeen ra?iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa xilka kala wareegi doona ra?iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo horraantii bishan ay kalsoonida kala laabteen xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS