Wadaad Caan Ah Oo Xalay Lagu Dhex-Dilay Masaajid Ku Yaala Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadaad Caan Ah Oo Xalay Lagu Dhex-Dilay Masaajid Ku Yaala Muqdisho
December 16, 2013 - Written by Wariye:

toogashoMuqdisho(Wajaale News):-Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay fiidkii nin wadaad ahaa ku dhextoogtay masjid ku yaala xaafadda Xamar-bile ee degmada Wardhiigley xilli uu dhageysanayey cashar tafsiirka Qur?aanka kariim ah oo laga akhrinayey masaajidkaasi, marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Bashiir Bile oo ka mid ahaa duqeyda iyo wadaadada xaafadda Xamar-bile ayaa waxaa toogtay seddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu Imaam ka ahaa masjidka lagu dilay.

Dadka ku nool xaafadda Xamar-bile ee ay toogashadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu salaaddii maqrib uu ka adimay majiaadka uuna ka aqimay, iyadoo aan la ogeyn sababta loo bartilmaameedsaday iyo cidda dilkiisa ka dambeysay, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka, iyadoo tafsiirkii majidka ka socday uu istaagay, waxaana culummadii iyo dadkii kale ee dhageysanayay tafsiirka ay billaabeen inay masaajidka isaga cararaan, iyadoo uusan weli ka hadlin maamulka degmada Wardhiigley dilka ninkaasi.

Dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal soo laalaabtay oo Muqdisho ka dhacayay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo maydka marxuumka ay goobta ka qaadeen culummo kale oo saaxiibbo ahaayeen

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS