Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan ee SOLJA Oo Cod Ku Cambaareeyay Falkii Lagula Wareegay Xarunta Wargeyska Hubaal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan ee SOLJA Oo Cod Ku Cambaareeyay Falkii Lagula Wareegay Xarunta Wargeyska Hubaal
December 14, 2013 - Written by editor

Waxaanu Bulshada u sheegaynaa oo Ra?yi caamka iyo Hay?addaha xuquuqal Iisaanka iyo kuwa madaxa baananba u sheegaynaa inaanay Saxaafadda madaxa banaa

Hargeysa (Wajaale-News ) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay falkii ay xukuumaddu kula wareegtay Wargeyska Madaxa Banaan ee Hubaal.

Waxa ay sheegeen in ay tahay talaabo aad u fool xun isla markaana dhaawacaysa Xoriyatul qawlka iyo madaxa banaanida Saxaafada ka jirta Somaliland.

Sidaasna  waxa shir jaraa?id oo ay Hargeysa ku qabteen ku sheegay Guddoomiye ku xigeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Cabdi

Curad iyo xoghayaha guud ee ururkaasi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka ururka Suxufiinta ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad ayaa yidhi

?Waxaanu Aad iyo aad u cambaaraynaynaa Falka Ciidanka Boolisku kula wareegeen Xarunta wargeyska Hubaal ilaa haddana ku haystaan? ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka SOLJA.

Gudoomiye xigeenka SOLJA  waxa uu ka dayriyay Xaalada amaan ee warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland, waanu yidhi ?Waxaanu Bulshada u sheegaynaa oo Ra?yi caamka iyo Hay?addaha xuquuqal Iisaanka iyo kuwa madaxa baananba u sheegaynaa inaanay Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland haysan Nabad galyo, oo aanay haysan xoriyad iyo amni ku filan.

Waxa taas daliil u ah dhacdada Hubaal daba socoto, iyadoo aad moodo in garsoorkii noqday hay?addo lagu kala aar-goosto.

Hubaal April ayaa la weeraray, dadkii weeraray oo mid kood la qabtay ciidanka ayaa lagu wareejiyay waana la sii daayay iyadoo garsoor iyo caddaalad marin, halka dhibanihii cabanayay loo raaciyay in xaruntiisii la xayiro.?

Maxamed Cabdi Curad waxa uu intaas ku daray ?Waxaanu Falkaa u aragnaa mid Xoriyatul qawlka lagu fara galinayo, waxaanu u aragnaa fal Anshax daro ah oo Amni burburin ah. Waxaanu caddaynaynaa in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu haysan Amaan sugan iyo Xoriyatul Qawl. Haddii ay sii socoto in dhibane cabanaya tacadi looga daro, waxay kalifaysaa in Hay?addaha warbaahinta iyo suxufiyiintu isdifaacaan oo ay Gabood samaystaan, Annagay nagu khasbadan tahay, iyagay ku khasban tahay haddaan Xukumaddu si degdeg ah uga qaadin Talaabo? ayuu yidhi Maxamed Cabdi Curad

Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed-rashiid Muxumed d Faarax  isna Shirkaasi Jaraa?id ka hadlay, waxa  uu yidhi ?Madaxweyne Dimuqraadiyaddii iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland gurigaagaad ku Aastay. 21-kaa sano Xukumaddihii Cabdiraxmaan Tuur, tii Marxuum Cigaal iyo tii Daahir rayaale may dhicin Dacwad aan la qaadin oo Maxakamad iyo Xeer ilaalini Xayiraad u soo qorto.Meesha la isku haysto ayaa Xayiraada loo qoraa. Waxay ahayd in Boolisku haddii ay wargeyska Hubaal ka cabanayaan Maxakamad u furtaan oo markay dambe ku hesho Xayiraad saarto. Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaad ku dhaqan taa Dastuurka aan Madaxweynaha ku tahay. Waxaad ixtiraamtaa qodobka 32-aad ee Xoriyadda Hadalka.? Ayuu yidhi Maxamed-rashiid.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS