Toogasho Ka Dhacday Dugsi Sare Oo Ku Yaala Maraykanka Oo Dhaawac Iyo Argagax Abuurtay Daawo Video | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Toogasho Ka Dhacday Dugsi Sare Oo Ku Yaala Maraykanka Oo Dhaawac Iyo Argagax Abuurtay Daawo Video
December 15, 2013 - Written by Wariye:

Colorado(Wajaale News):- Hal qof oo ahaa kii weerarka gaystay ayaa dhintay, halka ugu yaraan sadex qofna dhaawac soo gaadhay ka dib markii nin hubaysani rasaas ooda kaga qaaday, dugsi sare oo ku yaala degaanka Colorado dalka Maraykanka.

Toogashadan oo argagax wayn abuurtay ayaa ku soo beegmaysa wakhti dalkaas intiisa badan laga xusayo, xasuuqii ardayda dugsi ku yaala degaanka Newtown ee gobolka Connecticut loogu gaystay sanadkii 2012.

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Email.habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS