Toban Shirkadood Oo Ka Mid Ah Shirkadaha Adeega Laydhka Siiya Inta Badan Caasimada Hargeysa Oo Maanta Ku Dhawaaqay Inay Ku Midoobeen Hal Shirkad Oo La Yidhaahdo Almis Electric Company | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Toban Shirkadood Oo Ka Mid Ah Shirkadaha Adeega Laydhka Siiya Inta Badan Caasimada Hargeysa Oo Maanta Ku Dhawaaqay Inay Ku Midoobeen Hal Shirkad Oo La Yidhaahdo Almis Electric Company
December 16, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-qaar ka mid ah shirkadaha laydhka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmiya ugu baaqay inay ku midoobeen hal shirkad oo bixin doonta adeega laydhka ee ay siin jireen shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, shirkadaas oo lagu magacaabo Almis Electric Company.

Hargeysa(Wajaale-News):-qaar ka mid ah shirkadaha laydhka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmiya ugu baaqay inay ku midoobeen hal shirkad oo bixin doonta adeega laydhka ee ay  siin jireen shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, shirkadaas oo lagu magacaabo Almis Electric Company.

Munaasibadan balaadhan oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta tobonka shirkadood eek u midoobay laydhka, wasiiro ka socda xukuumada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka macdanta

iyo tamarta, maayarka caasimada iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha shirkada ay ku midoobeen shirkadaha laydhka ee magaalada Hargeysa  Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal  oo munaasibadan ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay arimaha keenay inay  la sameeyo midawgan dhex maray shirkadaha laydhka ee magaalada Hargeysa waxaanu tilmaamay ?farxad weyn ayey noo tahay in maanta ay midoobaan tobankan shirkadood ee laydhka siiya  magaalada Hargeysa kuwaas oo kala ah Afgal, Selp,Kaafi,NFS,Seeco,Cadceed,Sanyar,Elmi,Hass Power iyo Hargeysa Power Electric kuwaas oo qayb badan oo ka mid ah magaalada siin jiray laydhka waxay go,aansadeen shirar badan oo ay yeesheen ka dib inay midoobaan, waxaana keenay midawga shirkadaha baahida jirta waayo intaas oo shirkadood oo kala fadhiya lama jaan qaadi karaan horu marka dalka ka socda iyo qarnigan aynu maanta ku jirno.? Ayuu yidhi Gudoomiye Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal.

Shirkadahan ayaa ah kuwii ka soo shaqaynayey bixinta adeega laydhka labo iyo labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaanay laydhka ka bixiyaan bariga, badhtamaha, waqooyiga iy qayb ka mid ah koonfurta caasimada Hargeysa, waxaanay shirkada Almis Company u taagan tahay horu marinta adeega tamarta ee la siiyo macaamiisha si loo hagaajiyoi tayada,hufnaan bixinta  loona yareeyo khasaaraha uu sababo isku dul dhaca laymanka laydhka ee kala duwan.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo  munaasibadan ka hadlay ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey midawga dhex maray shirkadahan laydhka ee caasimada Hargeysa isaga oo ka waramay muhiimada ay leedahay in la mideeyo bixinta adeega tamarta laydhka ee guud ahaan dalku.

Sidoo kale wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweyey midawga dhex maray shirkadaha laydhka ee magaalada Hargeysa waxaanu tilmaamay inay faa,iido balaadhan u leedahay dadka isticmaalaya iyo magaaladaba.

Sheekh Aadan Maxamuud Xirsi(Aadan Siiro) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweyey midawga dhex maray shirkadahan laydhka ee magaalada Hargeysa oo uu qayb ka yahay, waxaanu sheegay in la horu marin doono adeega ay bixin doonto shirkadan ay ku midoobeen.

Sidoo kale musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, wasiirkii Hore ee warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo iyaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey midawga dhex maray shirkadahan waxaanay tilmaameen inay kor u qaadi doonto adeega la siinayo dadka isticmaal laydhka shirkadahani.

Wajaale News Desk

contact us : wajaalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS