Taageerayaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd Iyo Degmadda Axmed Dhagax Oo Si Rasmiya Ugu Biiray Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI. I | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taageerayaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd Iyo Degmadda Axmed Dhagax Oo Si Rasmiya Ugu Biiray Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI. I
December 11, 2013 - Written by Editor:
  HARGEISA (WAJAALENEWS) Mowjado Taageerayaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd Iyo Degmadda Axmed
Dhagax Oo Si Rasmiya Ugu Biiray Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI.
Hargeysa []- Hogaanka iyo masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee
WADDANI oo ugu horeeyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
[Cirro], ayaa maanta si rasmiya ugu soo dhaweeyey taageerayaal badan
oo soo jeeda gobolka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax ee magaalada
Hargeysa kuwaasoo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.
Taageerayaashan oo ahaa kuwo dareenkoodu aad u sareeyo kuna faraxsanaa
ku soo biiritaanka xisbiga WADDANI, ayaa munaasibadooda soo dhowaynta
ah loogu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Taageerayaashan oo ay hormood u ahaayeen Marwo Aamina Cabdilaahi
Kaahin, Agaasimihii hore ee wasaaradda ciyaaraha Mustafe Qodax,
masuuliyiin kale iyo taageerayaan aad u badan kuwaasoo dhammaantood
khudbadihii kala duwanaa ee halkaas ka soo jeediyeen ku sheegay inay
aad u faraxsan yihiin kusoo biiristooda xisbiga WADDANI, isla markaana
ay la garab taagan yihiin taageero la xaad leh oo maanta laga bilaabo
laga dareemi doono deegaanadda kala duwan ee dalka.
Munaasibadan oo ay ka hadleen masuuliyiin kale duwan, ayaa waxa ka mid
ahaa Aamina Cabdilaahi Kaahin [Kit-master], iyadoo halkaa ka sheegtay
inay aad ugu faraxsan tahay  inay maanta ku soo biirto Xisbiga WADDANI
iyada iyo mowjado taageerayaal ay hormood u tahay,
Marwo Kit-master, waxaana khudbadii ballaadhnayd ee ay halkaas ka
jeedisay ka mid ahaa sidan “ Allaahu Akbar Guushu waa Xisibigeena
WADDANI, halka aanu raacno ayuun-baa guulaysanaysa, waana hubaal
xaafadda Axmed Dhagax halka ay marto ayaa guulaysanaysa, maanta laga
bilaabo waxaanu si mug leh uga mid yihiin Xisbiga WADDANI dadweynaha
ka soo jeeda deegaannada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd”.
Marwo Aamina Cabdilaahi Kaahin iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay
tidhi “ maalintii dhoway wuu caytamay Qabo wuxuu yidhi xaafadaydu ma
gafe ayey leedahay, wasiiradaydu ma xuma garab ayey waayeen oo cid u
hiilisa ayey waayeen, ma xuma salaadiintayadu, ma xuma dadkaygu way
wanaagsan yihiin, waxaase odhan lahaa  maanta ayey sharef leenahaye oo
aynu taageero haysanaa aynu taageero Xisbiga WADDANI”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], oo isagu gacmo
furan ku soo dhaweeyey taageerayaashan iyo masuuliyiinta miisaanka
culus ku leh deegaanada ay ka soo jeedaan, ayaa hadalkiisa waxa ka mid
ahaa “Maanta aad ayaan u faraxsanahay, oo waxaan leeyahay sahankii
aynu sahaminay way ku guulaysanay, mar hadii aynu helnay degmada Axmed
Dhagax iyo Gobolka Hawd. Waxaan madasha ku soo dhowaynayaa dhammaan
taageerayaasha Gobolka Hawd iyo Degmada Axmed Dhagax oo isugu jira
haween, dhalinyaro, waayeel, siyaasiyiin, aqoon yahan, culimo iyo
madax-dhaqmeed soo dhawaada, waxaan idiin sheegayaa inaydaan noqon
doonin ku soo biirayaal ee aad noqon doontaan dadka talada xisbiga wax
ka gooya hadii ilaahay yidhaado
Munaasibadan oo ahayd mid si heersare loo soo agaasimay, waxa kale oo
ka hadlay masuuliyiin isugu jira kuwa xisbiga iyo xildhibaano ka
tirsan golaha wakiilada ee Somaliland.

WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS