Suxufiyiinta Somaliland Oo Maalinta Xuquuqul Insaanka Ku Xusay Af-xidhnaan Iyo Sida Ay Uga Xunyihiin Tacadiyada Ay Xukuumaddu Ku Hayso+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suxufiyiinta Somaliland Oo Maalinta Xuquuqul Insaanka Ku Xusay Af-xidhnaan Iyo Sida Ay Uga Xunyihiin Tacadiyada Ay Xukuumaddu Ku Hayso+Sawiro
December 10, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Bahda Warbaainta Madaxa banaan ee Somaliland iyo ururka suxufiyiint  Somaliland ee SOLJA ayaa maaanta si layaab leh u soo bandhigay tacadiga ay xukuumaddu ku hayso saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.
P1050917
Banaan baxan  oo ay suxufiyiintu ku soo beegeen maalinta xuquuqul insaanka aduunka oo maanta dunidda oo dhan laga xusayo,iyadoo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay oo qudha ay xukuumadda madaxwayne silanyo xabsiga dhigaytay ilaa 9 suxufi oo madax banan.

P1050914
Wariyaashan ayaa Muddo  5 Daqiiqo ah Aamusnaan ku soo badhigay Dareenkood,Cabashadan iyo Dareenkan maanta ee ka muuqday dhamaan wariyayaasha iyo intii kale ee ka maqnayd ayaa ka dheehanaysay sida ay uga xun yihiin tacadiyada joogtada ah ee ay xukuumaddu ku hayso.
P1050913
Waxaaana banaan baxan  ay warfidiyeenadu ku dalbanayeen in ay xukuumadda silanyo ka dayso tacadiyada ay ku hayso warbaahinta madaxa banaan,waxa hogaaminayey xogahaya guud ee ururka suxifiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax.
P1050911

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS