|
|||||
WAJAALE NEWS
SOMALILAND OO XAALAD ADAG GASHAY KADIB MARKII RABSHADO BEELAYSAN KA BILAABMEEN BURCO IYO BARBERA
December 23, 2013 - Written by Editor:SOMALILAND OO XAALAD ADAG GASHAY KADIB MARKII LOO KALA JABAY BEELO KANA BILAANTAY +BURCO IYO BARBERA CAAWA Dalka Somaliland ayaa caawa laga dareemayaa Xaalad xakiran oo saamaysay dhamaan qaybaha bulshada arrintan ayaa gayaysiisdoonta burbur horleh bulshada wada degta dalka Saan saan kalaqaybsamid bulsho ayaa mudooyinkii udanbaysay laga dareemayaa gabi ahaanba gobolada dalka Maalmahan ayaa waxaa cirka gaadhay moran sharci oo ka dhaxeeya galaha wakiilada Somaliland iyo qolo xukuumadu dabada kariixayso oo katirsan shirgudoonka isla golaha ah waxa kale oo iyana is ahaysi xoogani kataagan yahay gobolada galbeedka saylac iyo awdal khilaafkaas oo mudaba soo jiitamayay dawladu wali aanay xalwaara kagaadhin amaba aanay sidhaba u dawayni tabashada rasmiga ah ee meesha taala,dabka saylac iyo awdal ayaa wuxuu dabada ku hayaa doorashadii xumaatay eedalka kadhacday ee golayaasha deegaanka Waxyaalaha kale ee xaalada sii cakiray ayaa waxaa kamida gobolka togdheer oo caawa look ala fadhiyo bari iyo galbeed isla markaana lagu soo rogay bandoo, maydadkii dadkii ku dhintay rabshadihii manta oon wali la,aasin is abaabul qabiilaysan oo laga dareemayo waxyaalahaasi oo dhan ayaa marka laysku geeyo waxaa muuqata saan saan dagaal sokeeye oo kaqarxa beelaha wada dega togdheer. Gobolada bari ayaa iyana faraha kabaxday waa sool iyo sanaag gacanta u gashay maamul goboleedka majeerteeniya kana wada ololaha doorashada butland iyadoo dad badan ay dhawaan ku xasuuqeen taleex oo katirsan Somaliland, halkaa wax gurmada kahelin Somaliland waana arimaha cadaynaya in faraha Somaliland kabaxday Caasimada hargeisa oo iyana saamaytii doorashada kadib ay xaaladi kazoo cusboonaatay kadib markii tiyaatarkii hargeisa ee lasiiyay ganacsade cumar caydiid kana waday dhismayaal caalamiya ayaa waxa lasheegayaa in madaxwaynuhu wajahada dhismahaa u sexeexay qolo xildhibaana ah oo ka tirsan golaha deeganka hargeisa Arintan bixinta wajahada tiyaatarka ayaa abuurtay xaalad adeg oo gaadhay in gaanacsade dhisayay halkaa uu soo urursado ciidanbeelad hubaysan oo difaaca agagaar dhismayaalkiisa in cidina dhisan Karin xaga kale qolooyinkii halkaa lasiiyay ayaa iyana xagooda wada abaabul xoogan oo ay ku doonayaan in ay xoog ku dhistaan goobta madaxwaynuhu siiyay Isku soo wada duuboo Somaliland ayaa leh indho saansaan dagaal sokeeye kaqarxo marka aad eegto dhinacwalba dab ayaa kahol caya hogaankii dalkuna wuxuu noqday qabiili u hurinaya colaad sokeeye wuxuuna kabilaabay magaaladiisii uu kazoo jeeday dabna kala dhexdigay labadii beelood ee masha wada deganaa, waxaana caawa burco inta la og yahay rabshadahaa ku dhintay sedex qof magaalada bandoo ayaa lagu soorogay is abaabulku waa socdaa waxaana laga war sugudoonaa halka ay biyo dhigato;;;;;;;;;;;;;;;;;;;
WAJAALENEWS,COM HARGEISA OFFICE CONTACT; WAJALENEWS@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|