SIILAANYAHA MAANTA IYO SIILAANYHII SHALAY WAA MIDKEE. By nuuradiin Ibraahin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SIILAANYAHA MAANTA IYO SIILAANYHII SHALAY WAA MIDKEE. By nuuradiin Ibraahin
December 12, 2013 - Written by Wariye:

Marka aad eegto magac ahaan waakala magac wayn yihiin labadan masuul oo kala ah madaxwaynihii hore daahir riyaale iyo madaxwaynaha hadda axmed siilaanyo laakiin marka aad eegto maamul ahaan waa kala heer sareeyaan sabatoo ah riyaale wax lagaga horyimid hogaamintiisii mudo dhan 5sanno qabiilna laguma tirinjirin dawlad nimaduna waxa ay ahayd mid aqoonteeda iyo miisaankeeda leh oo isla jaanqaadikarta isna burin iskana hor iman waxaanay xooga saartay xaga amniga oo ay xoog uga shaqaysay walow aanay xaga horumarka wax badan ka qaban kuna caan baxaday musmaasuq iyadoo hadana ahayd mid ku taagan cago adag oo dawladeed.

Nuuradiin ibraahiim.

Halka siilaanyo lagaga horyimid maamulkiisii muddo 2sanno iyo badha waxa uu qayb qaybiyay beelihii qarankani ka koobnaa qaarna soodhawystay beeshiisu kow katahay qaarna fogeeyay tiraba sadex jeer oo uu sameeyay isku shaandhayn marna kuma darin wasiirada beeshiisa ah xakuumadiisu waa mid aan wada socon oo iska horimanaysa malaha hanaan maamul iyo kaladanbayn waa jaantaa rogan safaradoodu ma qorshaysna waa is dhexyaac mana eegaan ajandaha uyaal iyo roolka ay ku leeyihiin meelaha ay tagayaan. kan jigjiga ayaana ugu danbeeyay.

Walow ay wax xoogaa ah ka qabteen muddadii ay joogeen xaga horumarka bulshada sida darjada ciidamada iyo lacagta laga bedelay gobolada togdheer iyo sanaag taasi oo ah shaqadii loo doortay oo ay waliba amaanku rabaan sidii taliskii siyaad barre ee amaanta jeclaa. Musuqmaasuqu wali waa halkiisii wax laga qabtayna majiraan.

waxa aad u wiiqmay dhinaca amniga iyada oo mudadii ay joogtay xukumada siilaanyo ay dhaceen weeraro siyaasadaysan oo aan abid ka dhicin somaliland. Xaga siyaasada gudaha marka aad eegto aad ayay ugu kala duwanyihiin nidaam ahaan iyo ficil ahaanba riyaale waxa uu aaminsanaa in la soo doortay codna uu ku joogo kuna tagi doono halka siilaanyo siyaasadiisu aad moodo mid milateri oo dalka qori caaradii ku qabsatay oo udhaq maysa sidii taliskii maxamed siyaad dawladii udub marna kulmiye iyo siilaanyo ulama dhaqmin sida ay ula dhaqantay ucid iyo musharax jamaal oo ay ka hor istaagtay safar uu ku tagilahaa gobolka gabilay udub marna saxaafada ulama dhaqmin sida ay uladhaqantay xukuumada kulmiye.

Dhinac kasta marka aad ka eegto dawlada siilaanyo waxa ay baalmartay balanqaad yadeedii waxa ay ka hortimi codkii lagu doortay waxa ay ka hortimi wixii ay ku heshay taageerada lagu doortay waxa ay halmaameen dimuquraadiyadii ay ku baani jirtay.waxa ay kahor timi saxaafadii dhamaan waxa aan sare ku xusay waa ay halmaameen wax uu muuqtay awooda dowaladnimo oo ah mid aanay filayn ((Waar hooy dadkaygow Labadaan dhexdoodiyo Dalqo bahal qof galyoo Dirqi iyo tufool adag

Dibada uga soobaxay Halkii shalayto lagu dilay Madareemi waayine Durba maad iloowdeen Duunyadeenii dhacantiyo in Daynkii maqan yahay)) Riyaale iyo siilaanyo labduba waxa ay qabteen doorashooyin. madaxwayne riyaale tiraba afar doorasho oo waawayn oo gaadhsiisan heer madax wayne ayuu qabtay wax dhibaataana kama dhicin waxaanu madax nimadii ku wareejiyay si sharfle halka madaxwayne siilaanyo qabtay haldoorasho ah mid deegaan dadna ku dhintay guud ahaan dalkan min bari ilaa galbeed saamaysay waxaan lagu tiriyaa tii ugu musuqa badnayd abid ee kadhacda somaliland bal aan eegno kuwa madax wayne sida uu uqabto ama uu u wareejiyo talada qaranka. Waxa aan ku soo gabagabaynayaa is barbar dhigagan aan ku sameeyay labadii madax wayne ee isaga danbeeyay kursiga ugu sareeya dalka.

Bulshadeenu waa duul Daacad iyo xishood badan Dun xariira weeyaan Cidna uma darraadaan Dar allay kudhaqantaa Dareen waa dhagwayntahay Ogow doqonse maahee Qofka maamul dalabliyo Dabaal joogto hoosiyo Dibin daabyo ugu maqan Degdeg uma tilmaamaan Nabar kulama duulaa Dibay ugu mudaystaan Dulmigiisu waa u kayd. Waa maansadii daalacan ee abwaan hadraawi katiriyaya deeleeydii.

By nuuradiin Ibraahin

Hargaysa Office

Wajaale News

COMMENTS
LINKS