Sida ay wada ognahay waxaa manta u baqooli lahaa Xarunta Gobolka Gabiley iyo Degaamada Hoos Yimaada Wafti uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sida ay wada ognahay waxaa manta u baqooli lahaa Xarunta Gobolka Gabiley iyo Degaamada Hoos Yimaada Wafti uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID.
December 5, 2013 - Written by Wariye:

jimcaaleSida ay wada ognahay waxaa manta u baqooli lahaa Xarunta Gobolka Gabiley iyo Degaamada Hoos Yimaada Wafti uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID. 

Waftigaasi oo laga Hor is Taagay Guud ahaan Gelitaanka Gobolka Gabiley iyo Degaamadiisa, kaasi oo aanay cadayn u jeedada dhabta ah ee ka dambaysa ee ka hor istaaga waftiga geli lahaa Gobolka Gabiley iyo Degaamadiisa. 
Arimaha Baryahan isa soo Tarayey ayaa ah ama Xukuumada Haatan Talada Haysaa ay la soo Baxday oo ah in meelkasta oo xibiyada mucaaradka ay u Baahdaan laga Hor istaago Galimaysaan oo noomaydaan soo sheegin. 
taasi oo markii uu dhawaan gudoomiyaha xisbiga ucid uu ka soo degayey Garoonka Diyaaradaha ee Xigaal ee magaalada hargeisa loogagana hor istaagay masuuliyiiintii soo dhawayn lahayd noomaydaan soo sheegin imaatinka gudoomiyaha ucid markaasi ma galaysaan oo fasax ma haysataan aad ku gashaan xarunta garoonka diyaaradaha,taasi oo gudoomiyaha xisbiga ucid isagoo sidii qof caadi ah oo dalk shisheeya sita boorsadiisii uu kala soo baxay dibada oo halkaasi lagu qaabiley. 
Taasi waxaa ka dambaysay manta oo masuuliyiinta ucid ay tagi lahaayeen xarunta gobolka gabiley laga hor istaagay taasi oo markii dambe ninka badhasaabka ah gabiley uu ku tiraabay oo ay afkiisa ka soo baxday masuuliyiinta UCID noomay soo sheegin imaatinka gabiley. 
Su,aalaha ay dad badani is weydiin karaan ayaa ah gabileynay ma waxay noqotay garoonkii diyaaradaha ee fiisaha iyo tigidhka loo goosanayey. 
Mise waa magaalo ku dhaw caasimada oo cidii rabtaa ay tagi karto calaa ikhtiyaar iyadoonay meeshaba oolin noomaad soo sheegin imaatinkiisa. 
Maamulka gobolka hadii loo sii sheegi lahaa miyuu soo dhawayn lahaa ileen waa xisbi mucaaridee, oo ma tahay badhasaabka gabiley in uu iska yidhaa cidii imanaysaa hadaanay noo soo sheegin ma soo gali karaan oo ma wadan gaaraa gabiley oo xagay ka tirsan tahay ,ma Ethiopia mise waa DJIBOUTI waxyaabaha qaar kazoo baxa masuuliyiinta qaar waad la yaabaysaa, oo malaha isagu maanu odhan ayaad is weydiinaysaa, wadanka ma diktaatoori ayaa ka taliya oo cidna hadafkeeda iyo ujeedadeeda ma fushan karto miyaa hadaan loo soo sheegin maamulka wadanka ee uu hormoodka u yahay. 
Runtii waxyaabaha aad arkayso ee ka dhacaya Somaliland ee xukuumada haatan talada haysaa ay ku kacayso ee aad arkayso waxad is weydiinaysaa ma tolow ma kursiga ayey ku waarayaan, oo wey joogayaan inta cimrigooda ka hadhay, waa maya xukumadii uu Daahir rayaale haysan jiray ayaa ahaa Dariiqan haatan ay xukuumadni cagta saartay tii lagu waayey ee xataa uu ku burburay xisbigii udub . 
Waxaa wanaagsan oo cidkasta oo sharaf iyo karaamo leh sida ugu wanaagsan ee waajibkiisa ah loola dhaqmo haduu yahay masuul xil umadeed haya iyo mid xisbi mucaarad ahba. 
Waxana ku soo koobayaa maahmaahda tidhaahda” ka fiirso intaanad falin”oo macnaheedu yahay xukuumadni ha is daba qabatayso oo talada wadanka ee xiligan ee gudaha wax badan ka badasho hadii kale UDUB tagtaye KULMIYENA WUU XIGI,………. 

WABILAAHI TAWFIIQ. 

Jimcaale dayib aw-cali. 
Hargeisa Somaliland 
jimcaaledayib@gmail.com

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS