|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirweynihii Kulmiye Oo Ku Beegan Laba Cisho Kadib Iyo Garabyadii Oo Isugu Jira Ateerada.
December 22, 2013 - Written by Wariye:
Shirweynahan oo ay isku hayaan kooxo iska soo horjeeda ayaa laf dhuungashay ku noqday madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo maare u waayey xalinta iyo isu soo dhaweynta kooxahaas hungurigu kaga jiro qabashada jagada gudoomiyenimo ee uu awoodi waayey sii haynteeda madaxweyne siilaanyo. Waxa lays weydiin karaa haddii la qaban waayo laba cisho ka dib shirweynahan maxaa ka dhalan kara iyada oo bulshaduna ay maanka ku hayso sidii uu xisbul xaakimkii hore ee UDUB uu saaxadda uga baxay ka dib markii uu qabsan kariwaayey shirweynihiisii. Shirweynahan xisbul xaakimka kulmiye oo in muddo ahba dib u dhacayey ayaan la ogayn inuu qabsoomidoono maalinta bishu tahay 25 oo laba cisho oo kaliyi ka hadheen. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda madaxweyne axmed madamed siilaanyo iyo xisbigeeda kulmiye ayaa laga filayaa inay soo saaraan war murtiyeed ay xal ugu raadinayaan wakhtiga dhacaya ee qabashada shirweynihii xisbigaas.
Hargaysa Office Related posts:Daawo: Wasiirkii Hore Ee Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Maamulka Hawada Ee Lagu Wareeji... “Badhasaab Ramaax oo Sheegay 21-Ka Hay’addood Ee Dawladda Halkan Ka Jooga 15 Ka Mid Ahi In Aanay Sh... Magacyada Toban Masuul Oo Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Qayb Galaya Wada Hadallada Turkiga Iyo Ajand... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|